Qaban-qaabada Iyo Shax-shaxda Balaadhan Ee Lagu Soo Dhaweynayo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga WADDANI Md.Seed Oo Si Weyn Boorama Looga Dareemayo

0
357
Qaban-qaabada Iyo Shax-shaxda Balaadhan Ee Lagu Soo Dhaweynayo Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Gudoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Xisbiga WADDANI Md.Seed Oo Si Weyn Boorama Looga Dareemayo
Boorama-(Warsugannews)-Qaban-qaabada soo dhawaynta Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Xisbiga Mucaaradka WADDANI Mudane Axmed Mu’min Seed iyo wafti balaadhan ayaa si weyn uga socota Magaalada Madaxda Gobolka Awdal Ee Boorama, waxaana Wadooyinka waaweyn ee halbawlaha Magaalada Boorama lagu arkayaa Sawirka Gudoomiye Seed iyo Calanka Xisbiga WADDANI Isaga oo ay ku qoran tahay Halku dhigyo ka turjumaya Sida Reer Awdal ugu hamuun Qabaan Soo Dhawayntiisa Siyaasan Himilada Iyo Mustaqbalka Fiican ee U Soo Baxay Bulsha Ceelna U Qodnayn Cidina U maqnayn oo siyaasada Fadhi kubaradka Somaliland ku dhex Milantay.Ujeedka Safarkan Balaadhan ee uwaftigani ku imanayo Gobolka Xaruntiisa Boorama ayaa ka danbaysay sida Warbaahinta loo xaqiijiyay taageerayaal Badan Oo Beelaha Habar-Cafaan U Badan iyo Beelaha kale ee ku nool Gobolka Qaarkood ku soo biirinayaan Cududooda Siyaasadeed iyo mid taageero Ah Xisbiga WADDANI oo ay arkaan inuu yahay Xisbiga Qudha ee ay maanta iftiin baxaya u arkaan ee wax ka badalli doona sida uu xaalkoodu yahay ee ay u burburiyeen Dawladihii Kala danbeeyay ee Soo Maray Somaliland.

Munaasabadaas weyn ayaa Mudooyinkii u danbeeyay ka shaqaynayeen Guddiyo Abaabul oo ay leedahay Beelaha Habar-cafaan oo isku arka in waqtigani waqtigoodii ay ku fadhiisan lahaayeen Kursiga Madaxweyne Xigeen oo ay horey u soo fadhiisan,Marka loo eego Labada Beelood Ee Kale, Makaahiil Iyo Maxamed Case ee iyagna Gobolka Ka Soo Jeeda,tanina waxa ay Beelaha Habar-cafaan Ku Abuurtay iyaga oo ah Beelaha Ugu Balaadhan Somaliland Dega Sida ay ugu hamuun qabaan sidii ay ugu fadhiisan lahaayeen kursigaas oo ay u soo saari lahaayeen inuu waqtiga dhaw ku guulaysto Doorashada Madaxweyne ee la filayo inay qabsoonto Sannada 2017-ka, Sidii ay horey Gobolka Uga Soo Saareen Markii Ururka ahaa ee Ay Xisbiga Uga Dhigeen.

C/rashiid C/laahi Cumar

Boorama-Somaliland