Qabyaaladdee la dilayaa? Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

0
1143

Qabyaaladdee la dilayaa? Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

Qofka bani aadanka ahi abuur ahaan waa noole suubban oo khayr leh oo samaha jecel. Isaga oo sidaas ah ayay duruufo jiraa qofka saameeyaan oo naftiisa geliyaan shar, kana dhigaan qof xun. Qabyaaladdu waa dulmi, dulmiguna waa shar, sidaa darteed wax baa qofka qabyaaladda geliya. Maalinba waa meele, maanta bulshada Soomaalilaand qabyaaladda waxaa ku haya dawladnimadii oo fasahaadday oo sharci darro noqotay dabadeed kalsoonidii dadka lumisay. Sidaa darteed, sida qudha ee qabyaaladda la gu dawayn karaa waa iyada oo horta umadda loo dhiso dawladnimo sharci ah oo la gu wada kalsoonaan karo. Tallaabo wal oo taa ka horraysaa waa waxba.

Si haddaba taa loo gaadho, dadweynuhu wax uu u baahan yahay in uu isu abaabulo oo u midoobo sidii uu isaga qaban lahaa kooxaha sharci darrada ah ee dawladnimadii afduubay. Waana xilkasnimo darro iyo doqonnimo in la gu sheekaysto wax baa hagaagi iyo doorasho ayaa iman ee ha la sugo. Taariikhda dunida la ma arag dal ay dawladnimadu ka xumaatay oo wax ku hagaajiyay duco iyo samir. Waa kacdoon bulsheed oo qudha waxa dawladnimo qalloocatay la gu toosiyaa, jaadka uu doonaba kacdoonkaasi ha noqdee. Waxaa se muuqata shacbiga reer Soomaalilaand xaqiisaa in la ga jahawareeriyay la gana cabsi geliyay, iyada oo xitaa loo diiday in ay isu soo baxdo oo cabashadeeda muujiso, taas oo ah xaq dastuuri ah oo asaasi ah. Waxaa dadweynaha la gu dhex faafiyay hadal odhanaya: haddii aad na ga hor timaaddaan waa la idin laynayaa, dalkuna wuu idinka dumayaa. Bal hadalkaa aad u dhadhanso waxa sharci darro iyo axmaqnimo ka buuxa! Haddii aad na ga hor timaaddaan waannu idin laynaynnaa, dalkuna wuu idinka dumayaa! Iyaga wax laynaya ee wax duminayaa waa ayo? Meesha haddii aan budhcad haysan, maxaa keenay in la yidhaahdo wax baa la laynayaa iyo wax baa dumaya? Odhaahdaasi dhab ahaantii waa dembi qaran, waana in la ga xisaabtamaa, waayo xuquuq muwaaddin oo dastuuri ah ayaa la duudsiyay oo xoog la gu joojiyay.

Dhibaatada kale ee jirtaa waa iyada oo la waayay cid dadweynaha abaabusha oo codkiisa iyo doonistiisa midaysa. Siyaasiga mucaaradka sheegta ee maanta jiraa kaalintaa si buuxda ayuu u gu fashilmay, hoggaanka labada xisbina waxaa ka muuqda jileec iyo nadaam xumo aan xad lahayn. Dhanka kalena, la ma hayo aqoonyahanno madaxbannaan oo isu xilsaara ilaalinta dawlad wanaagga iyo xuquuqda siyaasadeed ee muwaaddinka, kaalintaas oo tijaabada dunida oo dhan wax aad u weyn u tarta horumarinmta dawladnimada iyo dhisidda wacyiga bulshada. Tani wax ay timid iyada oo la ga soo quustay golayaashii dastuuriga ahaa ee xukuumadda dheellitri lahaa, kuwaas oo qudhoodii sharci darro noqday. Sidaas ayay Soomaalilaand ku noqotay meel aanay ka jirin sharci dawladeed iyo xuquuq muwaaddin. Sidaas bay ku noqotay dal ay kooxo danaysato ahi sida ay doonaan u gu tagrifalaan.

Sida la og yahay xeeladaha ay kooxda dalka haysataa adeegsato waxaa u gu daran qabyaaladda iyo laaluushka. Odayada reeraha, kuwa dhaqanka iyo kuwa siyaasaddaba, waxaa la gu laaluushaa hantida yar ee umadda, waxaana la oggolaysiiyaa ama la ga aamusiiyaa ceebaha siyaasadeed ee dalkooda. Dabadeed waxaa abuurantay ummad dhan oo uu dhif yahay cod xor ah oo xaqa sheegi karaa. Waa qaab ka mid ah qaababka maamullada kelitaliska ah u gu foosha xun dunida; waa hab dilaya kalsoonida qaybaha bulshada dhexdooda, iyo qofafkaba. Dhanka kalena Soomaalilaand waxaa la ga abuuray jahawareer siyaasadeed oo aanu muwaaddinka caadiga ahi garanayn wax uu siyaasadda dalkiisa ku qiimaysto iyo aragti uu ku kalsoonaado.

Maanta Hargeysa halkii la ga sugayay awood siyaasadeed iyo aqooneed oo bulshada u abaabusha badbaadinta dastuurkeeda iyo dawladnimadeeda, waxaa loo dhigay ruwaayad la yidhaahdo “Dilista Qabyaaladda”. Qabyaaladda in goor walba la la dagaallamaa waa waajib waddaniyadeed, laakiin oodo dhacameed sida ay u ka la sarreeyaan baa loo ka la guraa. Marka aad hoos joogto talis dawladeed oo qabyaaladda u gu foolxun adeegsanaya, sidaana bulshada ku ka la furfuraya oo cududdeeda ku qaybinaya, caqli ma aha in aad tidhaahdo maamulka caynkaas ah baan daysanayaa oo maatada dulman baan qabyaalad ka saarayaa. Taasi wax ay la mid noqonaysaa hoosaasintii iyo maaweelintii ka dhici jirtay golayaashii hanuuninta ee Maxamed Siyaad Barre.

Mar kale, oodo dhacameed sida ay u ka la sarreeyaan baa loo ka la guraaye, la dagaallanka qabyaaladda waa in la ga bilaabaa la dagaallanka maamulka xun ee qabyaaladda ku shaqaysta ee bulshada ka dhex wada. Dilista qabyaaladda waa in la ga bilaabaa noolaynta dawladnimo caddaalad ah oo muwaaddinku xaqiisa qabyaalad la’aan ku siisa. Qabyaalad waxaa la ga bixi karaa oo qudha kolka dawladnimada la gu hoos nool yahay la gu kalsoon yahay; kolka aadan arkayn nin kale oo wixii idinka dhexeeyay xaqdarro ku qaadanaya. Wixii aan halkaas ahayni waa hoosaasin iyo maaweelin la doonayo in muddo kale oo sharci darro ah dalka la gu sii haysto.
– See more at: http://www.ramaasnews.com/index.php/News/Fikirka-Aqoonyahanka/Qabyaaladdee-la-dilayaa-Ibraahin-Yuusuf-Axmed-Hawd.html#sthash.ehx8m3va.dpuf

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here