Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, IGAD Iyo Midowga Afrika Oo Farriin U Diray Madaxda Soomaaliya

0
317

 

Wada-hadal khadka muuqaalka foggaan aragga ay yeesheen Xoghayaha Guud ee IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, Madaxa Arrimaha siyaasadda, Amniga iyo Nabadgelyada Midowga Afrika Amb. Bankole Adeoye, Agaasimaha Afrika  ee Midowga Yurub Amb. Rita Laranjinha iyo Kuxigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha siyaasadda iyo nabada Rosemary DiCarlo ayaa ka soo saareen war murtiyeed wada jir ah.

Waxaa ay ku celiyeen inay ixtiraam u hayaan madax bannaanida dhuleed, midnimada iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya, waxaana ay uga baaqeen hoggaamiyeyaasha siyaasadda inay tanaasul ka muujiyaan arrimaha taagan iyo in aan la qaadin tallaabo dib u dhigi karta xasiloonida Soomaaliya.

Sidoo kale waxay ka digeen muddo korodhsi loo sameeyo muddo xileedkii hore ee dowladda, doorasho hal dhinac ah iyo mid barbar socota.

Waxaa kale oo ay hoosta ka xariiqeen heshiiskii doorashada ee 17 September iyo is fahamkii Baydhabo ee 16 Febraayo, iyagoo ugu baaqay Madaxda inay dib u eegis ku sameeyaan ansixin ku sameeyaan heshiiskaas, iyadoo loo marayo isu tanaasul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here