qaran yar oo itaal yar baynu soo yabyabanay 25-kii sanno ee u dambeeyayay….Markaynu leenahay xukumadda Siilaanyo waa xukumaddii waxqabadka macnaheedu maaha. Wasiir Max,ud Xaashi

0
434

Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka qaybgalay Munaasibad balaadhan oo Dugsiga Faca-weyn ee Degmada Caddaadlay lagu qabtay.
***************************************************************************
qaran yar oo itaal yar baynu soo yabyabanay 25-kii sanno ee u dambeeyayay….Markaynu leenahay xukumadda Siilaanyo waa xukumaddii waxqabadka macnaheedu maaha……
++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Dad ayaa lacagtooda oo ay ururiyeen ku dumiya deggaannadooda oo dadkooda iyo carruurtooda ku laaya oo degaankoodu ka hadhay dadka… qaar kale oo la mid ahina hore ayay u hanno qaadeen. Rooma maalin laguma dhisin oo maalinba meel baa la dhisaa..
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Hargeysa()“Wasiir Maxamuud Xaashi, Waxaa hubaal ah in dugsigan degmada Caddaadley uu soo saaray dad badan oo labeen ah oo wax dhintay iyo wax joogaaba ka mid yihiin. Waa nasiib darro runtii inaynu maanta dhismihiisii dhooba qaadaynno, haddana waa nasiib wanaag dad intaas leeg oo aqoon yahan ah inay wax ka barteen.
Isma lihi waxay dhibaatadu ku kooban tahay dugsiga degmada Caddaadley kaliya, qaran yar oo itaal yar baynu soo yabyabanay 25-kii sanno ee u dambeeyayay, dhul badan oo la mid ah oo la taariikha Iskuulkan ayaa qabyo ah, qaar kale oo la mid ahina hore ayay u hanno qaadeen. Rooma maalin laguma dhisin oo maalinba meel baa la dhisaa, waxaanan is leeyahay way mudnayd in wakhti hore la dhiso oo Iskuulkani wuxuu kulmiyaa deggaan balaadhan, waxaanan jecelahay inaan halkan uga mahadceliyo cid kasta oo ka qayb qaadatay maal, fikrad iyo maskaxba, Illaahayna ha idinka abaal mariyo. Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa Khayre 21, dadkaa dhalinyarada ah ee qurbejoogga ah ee isku xilqaamay horumarka ayaan halkan ka hambalyaynayaa,” ayuu yidhi wasiirka madaxtooyadu.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay in dadka qaar lacagahooda ku dumiyaan deggaannadooda “ Caqliga iyo xooggu waxna way dhisaan waxna way dumiyaan.

Dad la mid ah Khayre 21 ayaa lacagtooda oo ay ururiyeen ku dumiya deggaannadooda oo dadkooda iyo carruurtooda ku laaya oo degaankoodu ka hadhay dadka, waxay taasi ka mid tahay nasiibbada la is dheer yahay, waanan idinku hambalyayaa.

Waxay ahayd masuuliyaddani masuuliyad dawladeed laakiin, kartidiina ayaa keentay inaad idinku wax qabsataan. Markaynu leenahay xukumadda Siilaanyo waa xukumaddii waxqabadka macnaheedu maaha dhammaan jeebka xukumadda ayaa wax laga soo saaraa, waxaa wax lagu qabtaa cashuurta la idinka qaado, waxaa wax lagu qabtaa waxa Illaahay inaga siiyo dadka iyo dawladdaha aynu saaxiibka nahay, waxaana saddexeeya waxa jeebabkiina ku jira oo aanu xukumad ahaan dhiiri galinno inaad wax ku qabsataan oo madaxweynuhu himiladaas ayuu keenay, in la tartamo oo deggaannadu wax la yimaadaan,” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, wuxuu sheegay in siyaasadda Xukumaddu tahay in deggaanka ama dadka is xilqaama ee waxqabsanaya xukumadduna ugu darto wixii karaankeeda ah ee Horumar ah. Waxa uu sheegay in dhismaha dugsiga qaybtooda ka qaadan doonaan, islamarkaana dadka degaanka iyo dawladdu iska kaashanayaan dhismaha dugsiga Caddaadley. Waxa uu si gaar ah dadka deggaanka iyo cid kasta oo wax ka baratay dugsiga Caddaadley ugu baaqay inay wixii karaankooda ah ka soo qaataan, kuna tabarucaan dhismaha dugsiga.

Geesta kale wasiirku wuxuu u mahadceliyay taliyaha ciidanka qaranka Sarreeye Gaas Ismaaciil Shaqalle oo dayrka dugsiga ballanqaaday inuu dhisayo. Waxa uu wasiirku sheegay in dhismaha dayrka oo lacag konton kun ku qiyaasan ku bixi lahayd uu balanqaaday taliyuhu, islamarkaana uu ku kalsoon yahay inuu dhisi doono maadaama uu dugsiga wax ku bartay taliyuhu “ Waxa soo hadhay laba boqol iyo konton kun, intaana waynu qaybsanaynaa.

Maynaan qabsaneen hadday tahay sanad dabayaaqadii oo kharashka dawladda ayaanu ku dari lahayn dugsiga Caddaadley oo qayb weyn buu kaga qornaan lahaa miisaaniyadda qaranka laakiin, miisaaniyaddii waa la qaybiyay, waxa qaranku maamulana waa la qaybiyaa oo qorshe ayuu leeyahay, waxa soo hadhaana waa wax Madaxweynuhu jeebka ugu hayo duruufaha adag ee dalka ku yimaadda, sida abaaro, arrimo lama filaan ah ama arrimo nabadgalyo ayaa lagu maareeyaa.

Raggayaganna waxa xalaasha ah eenu qaadanaa waa mushahar, markaa waynu qaybsanaynaa. Waxay ila tahay Khayre 21, tijaarta iyo ganacsatada deggaanka 25 kun baa ku qaybaysa, ilaa Suldaanka marka lagu darana waa boqol iyo shan iyo labaatan kun. Inta kale waxna annaga ayaa wasiiro ahaan isku qorayna, inna kharash wasaaradda waxbarashadu qaadato ayaanu ka jari, toban kunna dawladda hoose ee Hargeysa ayaanu saaraynaa, konton kunna waxaa bixinaya madaxweynaha, markaa sidaasi ayaynu u maamulaynaa,” ayuu yidhi wasiirku.

IMG_0001

IMG_0002

IMG_0003

IMG_0004

IMG_8780

IMG_8783

IMG_8785

IMG_8788

IMG_8789

IMG_8790

IMG_8791

IMG_8792

IMG_8796

IMG_8804

IMG_8807

IMG_8811

IMG_8816

IMG_8818

IMG_8820

IMG_8825

IMG_8827

IMG_8829

IMG_8830

IMG_8831

IMG_8832

IMG_8834

IMG_8839

IMG_8846

IMG_8853

IMG_8854

IMG_8861

IMG_8869

IMG_8876

IMG_8878

IMG_8888

IMG_8889

IMG_8892

IMG_8895

IMG_8913

IMG_8917

IMG_8919

IMG_8926

IMG_8929

IMG_8933

IMG_8934

IMG_8937

IMG_8940

IMG_8944

IMG_8949

IMG_8970

IMG_8973

IMG_8988

IMG_8989

IMG_8990

IMG_9009

IMG_9010

IMG_9011

IMG_9014

IMG_9030

IMG_9032

IMG_9036

IMG_9045

IMG_9051

IMG_9057

IMG_9064

IMG_9065

IMG_9072

IMG_9087

IMG_9092

IMG_9093