Qaranka iyo Bulshada Somaliland Baa Dhibane ka ah Eedaha loo Haysto Guddoomiye CIrro By: Aqoonyahan Cali Xasan

0
779

Qaranka iyo Bulshada Somaliland Baa Dhibane ka ah Eedaha loo Haysto Guddoomiye CIrro
By: Aqoonyahan Cali Xasan

Waxa dhawaanahanba saxaafadaha dalalka jaarka ah iyo kuwa Somaliland-ba aad loogaga hadlayey, eedo ama arrimo ka dhan ah qaranimada JSL, kuwaas oo lagu eedaynayey in uu ku kacay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, isla markaana ah Guddoomiyah iyo murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo xubno ka tirsan xisbigiisa ka dib markii ay dhawaan socdaal ku tageen magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Haddaba, waxa arrinkaas oo muddooyinkanba bulshada Somaliland aad u hadal haysay, isla markaana sugaysay jawaabta uu ka bixiyo Guddoomiyaha aqalka Wakiiladu, ayaa shalay waxa si toos ah uga hadlay eedaysane Guddomiye Cirro, waxaanu ka bixiyey jawaabo aan waafi ahayn oo aan ka baraxaynin eedaha loo jeedinayay ee ah inuu 20-kii Bishan December Huteelka Sarena ee Magaalada Nairobi uu kula kulmay Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, waxaana kulankaas fashilay oo warbixin ka qoray wargeyska caanka ah ee the Star ee ka soo baxa Kenya muddo siddeed maalmood laga joogo.

Jawaabta Cabdiraxmaan Cirro, ma aha tii ummadda iyo qaranka Somaliland-ba uga fadhiyeen, waxase hadalkiisa jawaab celinta ahi sii xogeeyay dareenkii shacabka shaki kii hore ka buuranna wuu ku abuuray, waayo waxa dadku liqi kari waayeen dooda Cirro oo noqotay mid jaban.
Haddaba, waxaan odhan lahaa qodobbadan-
1-Md. Guddoomiye, waxaad tahay, Guddoomiyihii barlamaanka Somaliland, oo ah, masuulka labaad ee xasaanadda qaranka dastuurku siiyay marka laga yimaado Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkiisa. waxaad tahay Mudane ay bulshada Somaliland soo dooratay,isla markaana qaranka uga masuul ah waaxda sharci dejinta adigoo xilka Guddoomiyenimada Golaha Wakiilada hayay muddo 12 sanno ah.
Waxaad tahay kii shuruucda iyo dastuurka qaranka ku ilaalin lahaa xukuumadda iyo cid kasta oo meel kaga dhacda, ama xadgudub ku samaysa, shuruucda iyo ee xeerarka dalkaba kaasoo ay bulshada iyo qarankuba u igmadeen ilaalintooda.
Balse maad ahayn kii isaga lagu eedayn lahaa in uu qarankii iyo shuruucda dalka jabiyey ama meel kaga dhacay, haddiiba ay dhacday run iyo beenba kay doonto ha ahaatee in lagugu eedeeyay arrimo ku lid ah qaranimada iyo gooni isu-taaga dalkan Jamhuuriyadda Somaliland oo sharuucda dalka ka hor imanaya, bulshada iyo qarankuba waxay kaaga fadhiyeen, jawaab waafiya oo aad iskaga leexinayso arrintaas.

2-Md Guddoomiye, waxaad tahay Guddoomiyaha iyo murrashaxa madaxweynaha xisbiga WADDANI ka sakow masuuliyada sare ee aad ummadda iyo qarankaba aad u hayso ee ay kugula xisaabtamayaan waxaad maantana u tartamaysaa in shacabka Somaliland ku doortaan madaxweynaha shanaad ee dalka hoggaamin doona. Waxa arrintan lagugu eedaynayo dhibane ka ah qarankii iyo bulshadii aad xilkan culus u haysay, ee ku doortay, isla markaana aad u dhaaratay, maantana aad codka ka doonayso ee aad u sharaxan tahay, iyagaana ka sugayey jawaab waafiye oo arrintan aad iskaga leexiso.

Sida runta ah hadalladii maanta aad kaga jawaabtay eedaas, may ahayn kuwo qancinaya bulshada iyo qaranka arrinkan ka dhibanaha ahaa, balse waxay ahaayeen, kuwo si xoojiyey tuhunkii iyo dareenkii bulshadu ka qabtay eeda mooskaaga taal sidoo kale waxay jawaabtaadu ku koobnayd eedo ku wajahan Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, halka ay bulshada iyo qarankuba ka dhawrayeen inaad iska difaacdo warkan soo baxay ee jaraa’idka Kenya ummaddu ka daalacatay, nuquladiisiina suuqyada dalka ay soo gaadheen. Inaad sidii lagaa filayay uga jawaabto may dhicin.
3-Md. Guddoomiye, marka la eego hadalladaadii, waxaad ka hadashay dagaalkii sokeeye, adigoo cid ku eedaynaya, taas oo maanta laga joogo 20 sanno iyo dheeraad, bulshada Somaliland ay ka bogsatay, wixii khasaare ah ee ka dhacayna uu ku dhacay dhammaanba qaranka iyo ummada Somaliland , isla markaana lagu tilmaamo in u ahaa masiibo qaran oo Alle ka bogsiiyey ummadda, in aad afka soo mariso ama cid ku eedayso adigoo isku haya masuuliyadaha inta leeg ee aan soo xusay, runtii waxay ahayd mid shacbigu aad uga biyo diiday, manay ahayn hadalkii masuul adiga oo kale ahi ku hadli lahaa, dabuubtaadu waxay gef iyo ihaano ku ahayd shacbiga iyo qarankaba.
4-Mudane Guddoomiye dagaalada aad carabka ku dhufatay aan ku xasuusiyee, waxa ka dambeyay, qaran wada jira iyo bulsho walaallo ah iyo dawladnimada aad masuulka labaad ka tahay iyo asxaabta qaran ee xisbiga WADDANI ee Aad murrashaxa ka tahay ka mid yahay.
Sida awgeed, kii maanta dagaal sokeeye ka shakayn lahaa ma tihid, arrinka lagaaga fadhiyeyna muu ahayn in aad shakhsi ku eedaysay dagaal sokeeye, ama aad is barbadhigto cid aan masuuliyada aad ummada u hayso u haynin, balse ka mid ah dadka aad masuuliyada u hayso ee kugula xisaabtamaya.

5-Md. Guddoomiye, ninka aad is barbardhigtay ee aad ku eedaynayso dagaalka sokeeye, iyo adigu shacbiga meel uma wada joogtaan, isku sina idiinlama xisaabtamayo shacabka Somaliland, maxaa yeelay, adigu shacabka iyo qarankan xil bay ku doorteen, oo aad uga masuul tahay, waanad u dhaaratay, marka laga reebo in aad tahay murrashax maanta cod ka doonaya, laakiin ninka aad eedaynayso, shacabka uma hayo masuuliyada aad adigu u hayso. mana jirto masuuliyad qaran oo shacabka iyo qaranku kula xisaabtamayo oo uu hayaa. marka laga reebo in uu yahay hoggaanka xisbi qaran isla markaana ah murrashax u tartamaya jagada madaxweynaha.
Sidoo kalana aanay jirin masuuliyad qaran oo uu meel kaga dhacay. Waxana hubaal ah in shakhsi ahaan uu dalka iyo dadkaba kaga tacab badanyahay, isagoo ka mid ahaa ragii dalkan iyo dadkan u soo galay halgankii qadhaadha ee dhaliyey xoriyadan ay Somaliland maanta ku naaloonayso.
6- Md.Guddoomiye, shacabka iyo qaranka Somaliland, cidda ay eedaas u haystaan ee lagu eedaynayaa waa adiga, hadday kugu cadaatanna cidda kaala xisabtamaysa waa shacabka iyo qarankan aad meesha kaga dhacday, laakiin maaha Muuse BIixiga aad eedaada isu dhaafinayso. waxaanu isagu ka mid yahay uun bulshada aad xilka u hayso ee aad u dhaaratay maadaama aad tahay Guddoomiyihii Barlamaanka.

7-Sidaa darateed, Guddoomiye, adigoo ah guddomiyihii barlamanka jsl, adigoo masuul umadan iyo qarankan uga masuula ilaalinta shuruucda, iyo dejinta xerarka dalkan lagu dhaqayo, adiga iyo 81 xubnood ee kale ee golaha Wakiilada , adigoo ah Guddoomiyaha xisbiga qaran ee WADDANI, adigoo ah Murrashax Madaxweyne oo u ordaya in ay bulshadu maantana kuu doorato kursiga laga hoggaamiyo dalkan, adigoo eegaya, dhawraya karaamada qaranka masuuliyada iyo xilka aad ummada u hayso shuruucda iyo dastuurka qaranka , midnimada iyo wada jirka bulshada Somaliland, waxay bulshada iyo qarankuba kaaga fadhiyaan inaad iska maydho eedan laf-jabka ah oo noqonaya taariikh xumo inteeda leeg oo aan wali murrashax adiga kaa horeeyay aan lagu eedaynin.
Aan ku xasuusiyee ummaddu kaama sugayso inaad u sharaxdo hebelo aad dunuub ku eedaynayso, balse waxa lagaa dhawrayay inaad qirato ama iska baraxdo eedan wayso-jabka oo su’aal gelinaysa sida ummaddu kuu aaminayso inaad madaxweyne qaran noqoto.
Gunaanad:

Ugu dambeyn Md. Guddomiye arrinkan waxa ka dhibane ah qaranka iyo bulshada Somaliland oo ah kuwii aad masuuliyadahan aan soo sheegay aad u haysay xaqna way u leeyihiin in madal kasta iyo goob walba lagaa su’aalo, waase hal-xidhaale bulshadu ka go’aan qaadan doonto sidaad iskaga maydho eedan oo ah markii koowad taariikhda ee masuul xilka noocan oo kale haya waliba ah gudoomiyihii sharci dajinta lagu eedeeyo arrin lid ku ah qaranimada dalka JSL.

La Soco……………………….

Cali Xasan Cawaalle