Qarax lala beegsaday Nayjeeriya oo galaaftay 8 qof oo haween iyo carruur u badan Warar23 Nov, 2015

0
419

Qarax lala beegsaday Nayjeeriya oo galaaftay 8 qof oo haween iyo carruur u badan
Warar23 Nov, 2015

Qarax lala beegsaday Nayjeeriya oo galaaftay 8 qof oo haween iyo carruur u badan
Booko Xaaraam ayaa mar kale qarax la haleeshay Dikwa oo u dhaw magaalada amni-daradda ku caan-baxday beryihii ugu dambeeyey ee ku taalla waqooyiga Nayjeeriya ee la yidhaa Maiduguri.

Ilaa hadda waxa la xaqiijiyey dhimashada 8 qof iyadoo dhimashadu intaas ka sii kordhi karto haddii ay dhaawaca qaarkood go’aan.

Sida ay tibaaxayaan saraakiisha Nayjeeriya, dadka qaraxani sahayday waxay ahaayeen haween iyo carruur kiyuu ku jiray oo lagu baadhayey bar kantarool oo ay leeyihiin ciidamada Nayjeeriya.

Booko Xaaraam oo hawl-galladooda inta ugu badan ka fuliya Nayjeeriya ayaa noqday kuwa ugu wax dilista badan kooxaha loogu yeedho argagixisada sida ay lagu daabacay daraasadda Global Terrorisam Index 2015 isla markaana uu ayiday mac-hadka arrimaha daraaseeya ee la yidhaa Institute for Economics and Peace.