Qarax xooggan oo khasaare kala duwan geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

0
832

waaxa qoreya yaasir br

Wali ma cadda cidda lala beegsaday qaraxaasi oo ahaa mid xooggan oo laga maqlay xaafadaha ku xeeran Afisyooni, waxaana ku dhimatay inta la xaqiijiyay ilaa 7 ruux iyadoona tirada dhaawaca uu toboneeyo kor u dhaafayaan.

Waxaa goobta uu qaraxa ka dhacay gaaray gawaarida gar-gaarka ee loo yaqaan ambalaasta iyo ciidamo kala duwan.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in la qabtay darawalkii gaariga qarxay oo dhaawac ah, waxa uuna ku jiraa gacanta hay adaha ammaanka.

Meel aan sidaa uga fogeyn goobta uu qaruxu ka dhacay ayaa waxaa la sheegay in uu ku sugnaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xarakada Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.