senior editor maxamed caqli hadi inkastoo tan iyo intii somaliland lagu ay wasaarada warfaafinta somaliland soo mareen wasiiro tiro badan kuwasiyoo midkastaaba wakhti uu haystyba ay lahaayeen mid waxqabtay mid wax ku soo kordhiyay iyo mud wax karidayba.
balse waxa aanu maanta qiraynaa hadii aanu nahay farsamayaqaanada wasaarada gaar ahaan tvga qaranka in wasiirka hada xilka haya ee cismaan saxardiid (cadaani) uu yahay wasiirka qudha ee qaaday talaabadii ugu haboonayd uguna mihiimsanayd ee dhinaca farsamada gaar ahaan sataliteka taasoo ahayd balan qaadkiisii maalintuu xilka qabtay ku dhawaaqay oo ahayd inuu dhinaca farsamada iyo shaqaalaha wax ka qabanayo.
wasiirku waxa uu ku guulaystay inuu tago qaybta laga maamulo sataliteka ee thaicom taasoo muhmalbadani ku jiray waxaanuu la soo saxeexday heshiis caalamiya oo talaabadii ugu horaysay ay noqotay satalike oo meelo badan ka kiraysnaa inuu hal meel ku soo ururiyo, god casriyana uu u kireeyo.
sidoo kale waxa uu wasiirku keenay qalabkii liveka iyo qalabyo kale oo istuudyaha iyo satalikeba ah.
waxakale oo uu wasiirku ku guulaystay inuu airbox playga oo laga maamuli jiray qaybaha laga kiraysto satalite yada oo dhaatooyin badanina ay ku lumeen inuu soo wareejiyo oo uu keeno xarunta tvga qaranka oo hada laga maamulo. taasina waxa tusaale u ah halka barnaamij ee sodonka minit ah waxa lagu shubijiray dvd isagoo tayadiisu ay tahay 8000kbps, kaasiyoo dib loo cupture garaynjiray marka la geeyo satalike qaadanaayayna mudo saacada tayadiisana dib loogu celinaayay 150kbps ilaa 200kbps ah waxaana l randing garaynjiray oo uu ku diyaargaroobijiray ilaa sadex ilaa afar saacadood taasoo laga play garaynjiray ugu danbaynta xarunta thaicom ee taylaan . halka barnaamij waxa uu qaadanaayay hal saac ilaa lix saac in lagu baahiyo, maantana halka barnaamij waxa ay qaadataa baahintiisu inta computerka laga dhex play garaynayo ama flashhka loogugaynayo adigoo xafiiskaaga jooga sidaantoontana u maamulanaya baahintaada,
sidoo kale talaabooyinka horumarka ah ee uu wasiirku qabtay waxa ay baajiyeen xadiga ugu yaraan 50 xabo dvd ah oo la isticmaalijiray dhaqaalaha celcelis ahaan ku bixijarayna ay aad u badnayd.
sidoo kale tayadii baahineed ee tvga ayaa barnamijkasta waxa uu noqday sidii loogu talo galay ee loo farsameeyay.
waxa kaloo uu wasiirku qalabayn ku bilaabay studio yada tvga kuwaasiyoo qalabyadoodii qaarna hada ina soo gaadheen kuwakalena dhexda ku soo jiraan.
sidoo kale tayaynta dhinaca shaqada iyo shaqaalaha dhiirigalintooda iyo kor u qaadka xirfadooda aqooneed ayuu hada ku gudo jiraa. taasi waxa ay muujinaysaa dadaal iyo daacadnimo dheeraada uu wasiir cadaani la yimi isla markaana aanu qirayno hadii aanu nahay farsamayaqaanada.
waxa aanu sidoo kale kula talinayna wasiirka inuu halkaa ka sii wado qorshaha horumarineed iyo waxqabad ee uu ku talaabsaday.
waxa kale oo aanu wasiirka kula talinaynaa inaanuu waxba ka dhagaysan kuwa talooyinka xun iyo waxyeelada xaasidnimadu ku jirto had iyo jeer la dhinactaagan masuuliyiinta ee iskaga dhigaya inay iyagu kaligood wax fiican u sheegayaan ama talo fiican siinayaan balse curyaaminaaya shaqada.
allaa mahadle
senior editor maxamed caqli hadi