Siilaanyo Goor Hore Ayuu Gartay In Maxkamaduhu U Baahan Yihiin Is Bedal. W/Q: Khadar Cabdiraxmaan.

0
331

Qoloyiinkii maxkamadaha shalay ayey ugu wanaagsanaayeen mar hadii lagu dhex dhacay oo sidii laga filaayey fitir faatir loogu kala diray.

Madaxweyne Siilaanyo maanta ilaahay uu garadsiiyey markii uu u magacaabay gudoomiyaha maxkmada sare Aadan Xaaji Xali, oo durba sameeyey is bedel muuqda oo la taaban karo, ilaahay ayey mahadi u sugnaatay.

Madaxweyne adiga iyo xukuumadaada waxaanu uga mahadnaqaynaa sida wanaagsan ee miisaanka iyo mansabka leh ee aad uga shaqayseen sidii looga hagaajin lahaa kor u aqaadka arrimaha maxkamdaha.

Gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Aadna Xaaji Cali waa shaqsi karti iyo aqood ilaahay u siiyey maamulka iyo maaraaynta, waxaanu ilaahay haybad u siiyey awoodaha la shaqaynta iyo dhagaysiga shacabka.

Gudoomiyaha maxkmada sare waxaanu uga mahadnaqayaan sida hufnaanta leh ee uu isku bedelka iyo eriga ugu sameeyey masuuliyiinta kala duwan ee ka hawl galaayey maxkamada dalka oo markii ugu horaysay is bedalka intaa leeg lagu sameeyey.

Xukuumada siilaanyo sidan anigu ka arkay waa mid ka midho dhalisay inta karaankeed ah wax ka qabashada arrimaha shacabka Somaliland, ilaahay waxaan uga baryayaa inuu inta hadhay ee tabashada dadweynaha ee arrimaha biyaha leh ku guulaysiiyo.

Saaka dalkii oodhan waxaa laga dareemayaa sansaan wanaagsan oo wax ka bedali doono idamka ilaahay maxkamadihii dalka oo dadku inta badan sheegaan in aanay waxba kala socodsiin.

Bili’aadanka hadii wax kasta loo sameeyo cabasho lagama waayo, qaar ayuunbaa odhan doonaa wali maxkamadihii dalku waa sidii, qaar ayuunbaa mucaaridku soo shuqashuqayn doonaa oo daba ka soo riixi doonaa.

Hadal iyo dhamaan waxaan halkan uga mahadnaqayaa ilaahay oo inoo suurta galiyey in aynu nabad ku wada noolaano, intaas a dib waxaan hambalyo u dirayaa xukuumada Somaliland oo hadh iyo habeen ka shaqaysa sidii nabada iyo wada tashiga loogu wada noolaan laahaa.

Waa Qalinkii

Khadar Cabdiraxmaan

Khadarc16@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here