Qorshahaygu waa inaan Laas-geel ka dhigo goobaha ugu waaweyn ee Dalxiisayaashu Africa u yimaaddaan…” Saado Mire

0
452

Qorshahaygu waa inaan Laas-geel ka dhigo goobaha ugu waaweyn ee Dalxiisayaashu Africa u yimaaddaan…” Saado Mire

Hargeysa(Warsugannews)Qorshahaygu waa inaan Laas-geel ka dhigo goobaha ugu waaweyn ee Dalxiisayaashu Africa u yimaaddaan…” Saado Mire

Saado Mire oo ah Muwaaddinad reer Somaliland ah, ayaa la sheegay inay halgan ugu jirto sidii horumarinta Aasaarta qadiimigu u noqon lahaayeen fursad dalkeedu ku gaadho aqoonsiga uu raadinayo.

Haweenaydan oo Cilmiga baadhitaannada Aasaarta qadiimiga ah baratay, ayaa Suxufiyad ka tirsan Wargeyska Vanity Fair tafaasiil ka siisay qorshaheeda ay isugu lamaanaynayso taariikhdii hore iyo mustaqbalka dalkeeda.

Saado Mire oo dhalsho ahaan ka soo jeedda Somaliland, balse haysata Baasaabboorka waddanka Sweden, ayaa sheegtay in Aasaarta kala duwan ee laga helay deegaanka Laasgeel u muuqdaan kuwa ugu muhiimsan, uguna qurux-badan ee wakhtigan laga arko Geeska Afrika.

“Ujeeddada aan ugu soo laabtay Somaliland waa inaan horseedo ogaanshaha caalamka ee Aasaartan qadiimiga ah, oo markii ugu horraysay ay ibo-fureen baadhayaal Faransiis ah 2002-kii. Uma wado hawshan inaan helo Aasaar oo magacayga ku calaamadiyo.” Sidaa ayey tidhi Saado Mire.

Waxaanay intaas ku sii dartay oo ay tidhi;

“Xilligan xarun lagu keydiyey Raadadka Aasaar kala duwan ayaa jirta, balse qorshahaygu waa inaan Laas-geel ka dhigo goobaha ugu waaweyn ee Dalxiisayaashu Afrika u yimaaddaan.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here