Hargaysa(WMG) Ilaacada Radio Hargaysa oo ah Maqal baahiyaha ugu da’da weyn Warbaahinta Soomaalida lana furay xiligii maxmiyadi Boqortooyada Ingiriisku ka talinaysay dhulka Somaliland, ayaa markii ugu horeysay helay qalab u sahlaaya baahinta Barnaamijyadii Ilaacada Radio Hargaysa baahin jirtay 1960-maadkii.
Qalabkan oo soo bandhigistiisa Munaasibad maanta loogu qabtay xarunta Wasaarada Warfaafinta, waxaa goob joog ka aha Agaasimha Guud ee Wasaarada, Agaasimaha Waaxda Farsamada, Guddoomiyaha Laanta SOLNA , madaxa Barnaamijyada Radio Hargaysa iyo Masuul ka socday Personla Computers.
Agaasimaha guud ee Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase) oo ka hadlaaya faa’iidada qalabkan cusub ee ay Wasaaradu heshay wuxuu yidhi. “Qalabkan oo ka koobaan Rikoodhadaas waxay sahlayaan in la baahiyo oo bulshada loo gudbiyo Barnaamijyadii kaydka Radio Hargaysa ee la duubay lixmadaadkii iyo todobaatanaadki, kuwaas oo wax weyn ka taraaya baahinta Ilaacada iyo gaadhsiinta bulshadaba”
Sidoo kale agaasimaha waaxda farsamada ee Wasaarada Warfaafinta Axmed Saleebaan weyne iyo masuuliyiin kale ayaa ka hadlay munasibadii lagu soo bandhigaayay agabkan. Radio Hargaysa oo hadda wada gaadha guud ahaan dalka Somaliland waxaa siweyn ugu xidhan bulshada, iyadoo baahinta barnaamijyadii tariikhiga ahaana ay waxbadan u kordhin doonaan ogaanshaha Shacbiga Somaliland ee tariikhdii dalkoodu soo maray.