Rafael Benitez Oo Magacaabay Kooxdiisii Ugu Horeeraysay Ee Uu Ku Bilaaban Doono Xili Ciyaareedka Cusub. Ayaa Ku Jira Ayaase Ka Maqan?

0
430

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Rafael Benitez ayaa soo saaray liiskii ugu horeeyay ee kooxdiisa Madrid kaas oo uu ku bilaaban doono kulanka xili ciyaareedka ugu horeeya ee ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxd Sporting Gijon.

Rafa Benítez ayaan liiska kooxdiisa ku soo darin Karim Benzema iyo Fabio Coentrao oo wali ka soo kabsanaya dhaawacyo ay la maqnaayeen. Benzema iyo Coentrao ayaan tababarka kooxda inteeda kale la qaadan waxayna u tababaranayeen kali kali. Benitez ayaan kooxdiisa ku soo darin Arbeloa, Illarramendi iyo Cheryshev kuwaas oo uu doorasho ahaan uga tagay. Laakiin Kovacic oo ah ciyaartoygii ugu danbeeyay ee ay Madrid la soo wareegtay ayaa ka mid ah kooxda uu Benitez magacaabay. Waxa kale oo kooxda uu benitez magacaabay ka mid ah da’yarka Marcos Llorente.

 Halkan ka fiiri 20 ka ciyaartoy ee uu Benitez xili ciyaareedka cusub uu ku bilaaban doono.

Goolhayayaasha: Kiko Casilla, Keylor Navas iyo Rubén Yáñez.

Difaaca: Varane, Pepe, Ramos, Marcelo, Carvajal, Danilo iyo Nacho.

Dhexda: Kroos, James, Bale, Casemiro, Kovacic, Modric iyo Isco.

Weerarka: Cristiano Ronaldo, Lucas Vázquez iyo Jesé.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here