Rafael van der Vaart oo soo xushay 10-kii ciyaaryahan ee ugu fiicnaa oo uu ka garab ciyaaray… (Modric oo ku jira iyo Bale oo maqan)

0
498

Rafael van der Vaart oo xiddigo hibo leh oo waa wayn kala soo ciyaaray kooxaha Ajax, Tottenham, Real Madrid iyo xulkiisa qaranka Netherlands ayaa soo xusay 10-kii ciyaaryahan ee ugu fiicnaa oo uu ka soo gabar ciyaaray.

Inkastoo uu shaxdan isku daray Van der Vaart haddana 10-ka ciyaaryahan ee ugu fiican oo uu ka garab dheelay waxa uu afar ka mid ah ka soo qaatay xiddigaha xulkiisa Holland waana goolhaye Van der sar, Stam, Robben iyo Kluivert.

Dhinaca kale kooxda Real Madrid xiddihii uu kala dheelay ee ugu fiicnaa waxa uu ka soo qaatay saddexda ciyaaryahan ee Cristiano Ronaldo, Guti iyo Sergio Ramos.

Kooxda Tottenham oo uu ka soo ciyaaray waxa uu ka soo xushay kaliya Luka Modric, waxaana uu ka tagay oo shaxdan ka maqan Gareth Bale oo uu ka soo garab ciyaaray Van der Vaart, halka kooxdii uu ku soo baxay ee Ajax uu ka soo qaatay labada xiddig ee Maxwell iyo Chivu.

Haddaba halkaan hoose ka eeg shax laga sameeyey xiddigii ugu fiicnaa ee uu ka soo garab ciyaaray Van der Vaart:-