“Ragga Zamzam ay Rawixisay Cali-guray isba soo Gaadhi Maayaan ee waa Kuwo Col Hortii Jabay” Siyaasiga Cali Guray

0
315

Guddoomiye-ku-xigeenkii hore ee xisbiga UCID Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray), ayaa ku tilmaamay rag jabay siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka oo si wayn uga qayliyey kulan Madaxweyne Siilaanyo iyo xubno ka mid ah wasiirradiisa xukuumaddiisu la yeesheen mid ka mid ah ardaayada beelaha dega Gobolka Togdheer, kaasi oo lagu taageeray xisbiga KULMIYE iyo murrashaxiisa Madaxweyne.

Xubno masuuliyiin iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga WADDANI oo la hadlay warbaahinta shalay, ayaa cambaareeyey shirkaasi oo ay ku macneeyeen mid kala qaybinaya Somaliland, iyagoo qaar ka mid ahi si gaar ah u dhibsadeen hadal Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan ka jeedisay kulan dhexmaray Madaxweynaha iyo cuqaasha matalayey ardaagaasi.

Haddaba, siyaasiga Cali Guray, ayaa sheegay in masuuliyiinta WADDANI ka tirsan ee ka cawday Wasiir Samsam ay rag hortii jabeen xilli aan la islaba soo gaadhin.

Qoraal kooban oo Cali Guray ku baahiyey barta uu ku leeyahay shabakadda bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook oo uu arrintan kaga hadlay, waxa uu ku yidhi, “Dhiga codka! Waanagii dhignaye wax aan ahayn may odhan. Ragga Zamzam ay rawixisay Cali-guray isba soo gaadhi maayaan ee waa kuwo col hortii jabay. Aniga dumar oo dhami way iga adagyihiin, waayo iskama celin aqaano oo sida loola dagaalamo ma aqaano.

Xasan Ganay waxan ka qoray;

Lab haween ku taagsaday

Legday oo ku jiifo

Ka lib doonay ba’naa

Cabdiqays-na wuxu yidhi;

Haween waa kuway dilay

Igu duwayna naaskoo

Waa belo rag loo diray

Mana deyn karaayee.”

waaxa qorey yaasir br