“Ramadaan Kariim, Ku Sooma Cafis, Caafimaad iyo Cibaado Camiran” Xirsi Cali Xaaji Xasan

0
509

Ramadaan Kariim,
Ku Sooma Cafis, Caafimaad iyo Cibaado Camiran
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++
Hargeysa(Warsugannews)Waxaa Caawa inoo bishay bilowga bisha barakaysan ee Ramadaan oo ah fursad sanadkii mar Alle adoomihiisa siiyo si ay u kasbadaan dembi dhaaf, naxariis iyo in Naarta laga xoreeyo.
Illaahay waxaan inoo waydiinayaa in uu inagu daro adoomihiisa bishan naarta laga xoraynayo isla markaana dembi dhaaf iyo naxariis badan inoogu deeqo.
Dhamaan shacabka Muslimiinta ah ee dunida daafaheeda ku soomaya gaar ahaan shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay U mahad celiya Allaha ina soo gaadhsiiyey bishan barakaysan iyadoo fursadan in badan oo shalay inala joogtay aanay helin.
Sidoo kale Intii Xiisaynaysay ee Xanuun ka reebay gudashada bishan barakada badan Allaha Caafiyo intii dhimatay ee ehel iyo asxaab ahaydna Allaha u Naxariisto inagana walaalnimo iyo wadajir inoogu deeqo Amiin,,,
اللهم أهله علينا بالأمن والإيمان والسلامة والاسلام والعافية … ودفع الأسقام والعون على الصلاة والصيام وتلاوة القرأن وتدبره .. اللهم سلمنا لرمضان وسلمه لنا وتسلمه منا متقبلأ حتى ينقضي وقد غفرت لنا ورحمتنا وعفوت عنا ..

Wa Bilaahi Tawfiiq