Reer Burco oo Dhoolatus Daad la Moodo ku Qaabilay Wefti uu Hoggaaminayo Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE

0
529
????????????????????????????????????

Reer Burco oo Dhoolatus Daad la Moodo ku Qaabilay Wefti uu Hoggaaminayo Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE

Muuse Biixi oo la guddoonsiiyey Faras lagu soo dhaweeyey oo ay bixisay mid ka mid ah beelaha Burco + cududda reer Burco ugu faaneen xisbiyada mucaaradka ah + dhiirrigelinta diiwaangelinta Togdheer ka bilaabmaysa Sabtida

Burco (warsugannews)- Dadweynaha magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer, ayaa dhoolatus la yaab leh oo badanidooda la moodo daad socda ku soo dhaweeyey wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku tagay Gobolka Togdheer maanta.

Weftiga Guddoomiye Muuse oo ay xubno ka yihiin xubnaha hoggaanka sare ee xisbiga, wasiirr, xidhibaanno iyo masuuliyiin kale oo badan, kuwaas oo safar ujeeddadiisu la xidhiidho wacyigelinta dadweynaha ee diiwaangelinta iyo mid murrashaxa Madaxweynaha ee KULMIYE ku booqanayo taageerayaasha xisbiga ah ugu ambabaxay Gobolka Togdheer saaka, ayaa soo dhawayn dhulka dhaqaajisay oo loo sameeyey weftigu muujisay cududda taageero ee xisbiga KULMIYE ku haysto Gobolka Togdheer, kadib markii tobanaan kun oo reer Burco ahi in ka badan maalin galineed u taagnaayeen gudaha magaalada ilaa in ka badan 20KM meel ka baxsan ay iyagoo ay horkacayeen madaxda xisbiga ee Gobolka iyo masuuliyiinta heer degmo iyo Gobol ay kaga hortageen weftiga, iyagoo watay boqolaal gaadiid ah oo ay lagu xardhay calanka xisbiga ee middaba Hurdiga iyo Akhtarka ka kooban iyo sawirrada Murrashaxiinta xisbiga ee Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi iyo ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), halka Guddoomiye Muuse lagu qaabilay fardo shaaximan oo ay wadeen fardo-fuul kolba gees kaga galbinayey.

Weftiga ayaa kumanaan taageerayaal ah iyo madaxda kala duwan oo horkacaysay ay ku qaabileen degmada Qoyta oo 20KM dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Burco, halkaas oo loogu sameeyey xaflad ay masuuliyiinta khudbado uga jeediyeen dadweynaha qaabilay, iyadoo halkaasna uu Guddoomiyaha KULMIYE ku guddoomay Faras midabkiisu Casaan yahay oo hadyad ahaan uu u guddoonsiiyey Guddoomiye-ku-xigeenka Beesha Axmed Faarax Abwaan Hurre Walanwal.

Maayarka degmada Burco Maxamed Yuusuf (Muraad), ayaa sheegay in xaddiga faraha dadweynaha soo dhaweeyey madaxda KULMIYE ka turjumayso taageerada reer Burco u hayaan xisbiga iyo murrashaxiisa cusub ee Madaxweynaha Md. Muuse Biixi oo uu halkaasi uga ballanqaaday inuu magaalada Burco oo keliya gacanta ugu hayo konton kun oo cod.

“Saddexda xisbi way tartamayaan, laakiin annaga ka soo baxaya ee aannu dooranaynaa waa xisbigayaga KULMIYE ee murrashaxa madaxweynaha u yahay Muuse Biixi Cabdi, codkana annagaa u hayna, waxa lagu soo baxayaa tiro, tiradana annagaa u hayna mid aan been ahayn, anigoo Maxamed Muraad ah oo odaygii degmadan Burco ahi konton kun oo cod baan jeebka ugu hayaa Muuse Biixi Cabdi, marka la faanayo waa la iga faan badan yahay, dhabta markay noqotona aniga ayuun baa la igu soo daba faylayaa

Wasiirrada Hawlaha Guud iyo Duulista Hawada – Cali-marreexaan iyo Cismaan Caddaani iyo weliba Agaasimaha Komishanka dawladda ee La-dagaallanka AIDS-ka Cabdikariin Xinif, ayaa iyaguna soo dhawaynta indho-daraandarka reer Burco ee KULMIYE ugu quus-gooyey cid kastoo kale oo hunguri kaga jiray codka gobolka Togdheer.

“Maanta waxay Burco oo dhami laamidaa cagta u saareen waxay ogyihiin ragga marayaa inay yihiin mujaahidiintii naftooda u soo huray xornimadooda, Togdheer xorayntii dalkan ka sakow waxay muujisay baaxadda iyo qiimaha dadkeedu leeyahay iyo waxay doonayaan dalkani inuu hiigsado.” “Waxa kaloo aan reer Burco leeyahay ka kacaay oo is-diiwaangeliyaayey, waxaannu leenahay reer Togdheer yaan lagaa cod badan.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Duulista Hawada Md. Cismaan Caddaani.

Intaasi kadib, waxa weftiga loo galbiyey dhinaca Burco oo lagu wareejiyey jidadka waawayn ee magaalada oo ay tubnaayeen dad qalbi-furan, farxad iyo caleemo qoyan ku soo dhaweeynayey madaxda xisbiga, waxaanna markii dambe la isugu biyo-shubtay xarunta xafiiska Gobolka Togdheer ee KULMIYE oo ay diyaar ku ahaayeen kumanaan kale oo taageerayaashiisa ah oo halkaasi taagnaa ilaa 1:00-dii duhurnimo jacaylka madaxdooda iyo dareenka mabda xisbinimo darteeda.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Md. Maxamed Ibraahim Aaden iyo Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dhammaantood uga mahadceliyey reer Burco soo dhawaynta aanay u kala hadhin ee ay ku caddeeyeen taageeradooda xisbiga. Sidoo kalena, waxay ku dhiirrigeliyeen inay si buuxda uga qaybgalaan diiwaangelinta codbixiyayaasha ee laga bilaabi doono Gobolka Togdheer maalinta Sabtida.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweyne ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa si wayn uga mahadceliyey soo dhawaynta iyo taageerada reer Burco ku qaabileen ee waliba muddada dheer ay la soo barbar-taagnaayeen KULMIYE.

Md. Muuse Biixi waxa uu ka hadlay qiimaha diiwaangelinta iyo tartanka axsaabta, waxaannu yidhi, “Diiwaangelintu waxay ka dhigan tahay siidhigii doorashada oo la afuufay, mar haddii diiwaangelintii la bilaabay doorashadii ayaa la bilaabay, saddexda xisbi mid waliba dadweynaha wuxuu la horimanayaa waxqabadkiisa iyo barmaamijkiisa, annaga guud ahaan waxqabadkayagii hore dadkaa qiimaynaya oo wuu cad yahay oo waanu la horimanaynaa, mustaqbalka wixii aannu qaban lahayna waxaad ka akhriyeysaan toddobada qodob ee Madaxweynuhu khudbaddiisii Baarlamanka ku dhigay oo ah siyaasadda mustqabalka soo socda ee KULMIYE ku shaqayn doono, waana aragtidii iyo maskaxdii uu Madaxweyne Siilaanyo afar sanno ku ahaa madaxda ee uu noo sii dhigay oo annaguna aannu ku hawlgalayno.”

Waxa kaloo uu dhallinyarada ku dhiirigeliyey inay taageerada axsaabtu mabda’ u noqoto si ay mustaqbalka horumarka uga gaadhaan, isagoo tusaale u soo qaatay Wasiirka Hawlaha Guud Cali Marreexaan oo ku biirista iyo shaqada xisbiga bilaabay wixii ka dambeeyey aasaaskiisii iminkana wasiir noqday, “Anigu soddon ama afar sanno ka hor anigoo idinka idin le’eg ayaan is garabtaagay Siilaanyo oo markaa ka soo horjeestay Siyaad Barre oo aannu ku daba soconay soddon sanno, maantana waa kaa madaxweynaha ii sharraxay ee isagu gacanta ii taagay. Haddaba, siyaasadda marka mabda’ la isku aaminno taasi ayey leedahay, Cali-marreexaan waa dhallinyaradii xisbiga joogtay berigii aannu lahayn ha tahriibin walaal UDUB way tagaysaaye, wuu tahriibi lahaa sidii qayrkii, Xinif dhallinyaradii markaa joogtay buu ahaa, Xirsi-gaa maanta siyaasiga wayn noqday dhallinyaradii markaa joogtay buu ahaa, siyaasadda haddaad xisbigaaga aaminto sidaas baa madax loogu noqdaa, dalkaaga sidaas baa loo aaminaa oo magac iyo muunad baa lagu yeeshaa. Markaa waxaan dhallinyarada ku boorinayaa inay u adkaystaan duruufaha badan, siyaasaddana ay mabda’ ka raacaan,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Muuse Biixi.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_7794

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????