“Rer Somalilanow Maanta Taariikhda Calaamadsada Ama Waxaanu Sheegayno Ayaa Been Noqon Doona, Ama Kuwaas Wax Gaday Ayaa Dalka Dhacay” Xuseen Axmed Caydiid.

0
349

Rer Somalilanow Maanta Taariikhda Calaamadsada Ama Waxaanu Sheegayno Ayaa Been Noqon Doona, Ama Kuwaas Wax Gaday Ayaa Dalka Dhacay” Xuseen Axmed Caydiid.
Xuseen Axmed Caydiid, wasiirkii hore ee wasaaradda cadaaladda iminkana ka mid ah saraakiisha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa shacbiga Somaliland ugu baaqay inay ka war doonaan Madaxwaynihii ay doorteen oo uu sheegay inaan la hayn.

Xuseen Axmed Caydiid ayaa ku eedeyey xubno ka mid ah qoyska Madaxwaynaha inay la wareegeen taladii dalka isla markaana Madaxwaynihii maqaar saar ahaan loo adeegsaday, sidaasna waxa uu ka sheegay shir jar’aaid oo uu Hargeysa ku qabtay, waxaana uu yidhi:
“Berigii shiinaha uu ka talin jiray ninkii la odhan jiray Mao Zedong 10-kii sanadood ee u dambeeyey xukunkiisu wuxu u gacan galay afar qof oo markii dambe oo loo bixiyey (The Gang of four), budhcaddii afarta ahayd, gabadhiisa iyo saddex nin bay ahaayeen markii dambe ee uu odaygii dhintay xabsi daa’im baa lagu xukumay, su’aal baan dadka waydiiyey aan idhi sheekadaasi imisa ayay maskaxdooda ku soo dhacday, odaygiina (Siilaanyo) lama hayo, odaygii afar layn buu akhriyayaa waar umaddu odaygii ay dooratay haka war doonto, umaddu odaygii ay dooratay ee Madaxwaynaha ahaa ee ixtiraamka uu mudan yahay aynu u haynay halaga war doono sheekh iyo shariifba”
Geesta kale Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay inay heshiiskani dhexmaray dawladda Imaaraadka iyo dawladda Somalia isla markaana ay xubnaha xukuumadda KULMIYE qaateen xoogaa xaqul qalin ah, waxaana uu sheegay inaanan la heli karin wax heshiis ah oo dhex maray Somaliland iyo Imaaraadka, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:
“Waxa heshiis dhab ah loogu hor keeni la’yahay wax kale maaha dawladan heshiiska lala galay waa tii bixisay dayuuradihii Hargeysa lagu garaacay, maanta dawladdii Xamar ee ay barigaa dayuurdaha siisay ayuunbay heshiiska la gashay, inaga waxan waxba la inoogu keeni la’yahay dee waxba la inalama gelinba, nin waloowba maanta taariikhda qoro ama waxaas aanu sheegayno ayaa been noqon doona oo hadhaw hangool ha nalagu boobo, ama dadka waxaas gaday ayaa dalka dhacay ee dadoow maanta taariikhda calaamadsada”.