RIKOODHADII laga diiwaan geliyey kulankii ay Arsenal guusha ka gaartay kooxda Southampton ee FA Cup… (Maxay ka dhignayd saddexleeydii Theo Walcott?)

0
358

Arsenal ayaa guul raaxo leh ka gaartay kooxda Southampton oo ay marti u ahaayeen kulan ka tirsanaa FA cup-ka, waxayna ugu awood sheegteen 5-0, waxayna Gunners iska xaadirisay wareegga 5-aad ee FA Cup.

Shanta gool ee ay kulankan ku adkaatay Gunners, waxaa kala qeybsaday Danny Welbeck iyo Walcott.

Labo gool waxaa la horreeyey Welbeck, waxaana saddexleey raacsaday Theo Walcott, sidaas ayey Gunners 5-0 uga badisay kooxda Southampton.

Haddaba halkaan hoose ka eeg RIKOODHADII laga diiwaan galiyey kulankan:-

>- Tani waxa ay ahayd guuldarradii ugu wayneed ee FA Cup ku soo gaarta kooxda Southampton, tan iyo bishii Febraayo sanadkii 1910-kii, markaaso ay 5-0 gulldarro ah sidaan oo kale kala kulmeen Manchester City.

>- Arsenal ayaa ku soo badisay 5 gool oo nadiif ah iyadoo ku ciyaaraysa meel ka baxsan garoonkeeda markii ugu horreysay tan iyo bishii Agoosto sanadkii 2009, markaasoo ay kooxda Everton oo ay booqdeen uga soo badiyeen 6-1.

>- Theo Walcott ayaa saddexleeydiisii shanaad u dhaliyey kooxdiisa Arsenal, waxaana ay ahayd saddexleydiisii ugu horreysay oo uu dhaliyo tan iyo bishii May sanadkii 2015, markaasoo uu ka dhaliyey kooxda West Brom.

>- Arsenal ayaa xalay dhalisay goolal ka badan inta ay ka dhalisay todobadii kulan ee la soo dhaafay oo ay wajahday Southampton oo isku dar ay ka dhalisay 4 gool.

>- Arsenal ayaa guul ku soo gaartay garoonka St Mary markeedii ugu horreysay tartan waliba tan iyo bishii December sanadkii 2003.

>- Danny Welbeck ayaa labo gool ka dhaliyey kulan gudihiis tartanka FA Cup, markiisii ugu horreysay.

>- Theo Walcott ayaa dhaliyey lix gool afartiisii kulan ee ugu dambeysay oo uu bannaanka ku soo ciyaaray FA Cup.

>- Danny Welbeck ayaa kulan gudihiis Arsenal u dhaliyey 2 gool, markii ugu horreysay tan iyo bishii October sanadkii 2014-kii, kaddib markii safka Gunners lagu soo bilaabay 265 maalmood kaddib.

>- Shkodran Mustafi ayaa sii wata rikoorkiisa guuldarro la’aanta, iyadoo aan laga adkaan hal kulan xitaa isagoo difaacan muslimka ahi u ciyaarayo kooxdiisa Arsenal, 22 kulan oo uu u ciyaaray 16 guul ayuu gaaray halka 6 kulan oo kale uu barbaro galay.