Roberto Mancini Oo Iska Diiday Leylinta Xulka Qaranka Egland, Si Uu U Noqdo Badalka Rasmiga Ah Macalikii Shaqada Laga Diray Ee Sam Allardyce

0
662
FILE - A Saturday, May 11, 2013 photo from files showing Manchester City's manager Roberto Mancini during a line up at the start of their English FA Cup final soccer match against Wigan Athletic at Wembley Stadium, London. Manchester City has fired manager Roberto Mancini after conceding the Premier League title to rival Man United and finishing the season without a trophy. The club announced the decision Monday, May 13, 2013, on its website.The Italian is departing after less than four years in charge, having ended the club's 35-year trophy drought by winning the FA Cup in 2011 and then leading the team to its first league title in 44 years the following season. (AP Photo/Jon Super, File)

by YAASIR BR

Macalinkii hore kooxda  Inter Milan Roberto Mancini ayaa iska diiday leylinta shaqada xulka qaranka ingiriiska oo lala xiriiriyay mudooyinkii u danbeeyay, waa sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo gudaha dalka Egland, xili macalinkan uusan wax shaqo ah uusan gacanta ku heyn, kadib ka tagistiisii kooxda Inter Milan.Xiriirrka kubada cagta dalka Egland FA-ga ayaa shaqada ka ceyriyay macalinkii hore ee xulka Egland Sam Allardyce kadib markii lagu helay musuq maasuq ku aadan dhanka suuqa kala iibsiga ee ciyaaryahanada.

Roberto Mancini ayaa wuxuu qeyb ka ahaa qabashada xulka Egland oo haatan uu si ku meel gaar ah uu u hayo Gareth Southgate, balse xiriirka ayaa wuxuu suuqa ka raadinayaa cida uu ku aamini lahaa shaqada xulka Egland.

Mancini ayaa si wayn loola sii xiriiriyay shaqada xulka ingiriiska kadib markii FA-gu ay ku marti qaadeen kulankii u dhexeeyay Malta iyo xulka ingiriiska ee isreeb reebka koobka aduunka ee 2018, balse macalinka reer Talyaani ayaa daboolka laga qaaday inuu iska diiday qabashada xulka Egland.