Rwanda VS Somaliland

0
347

Rwanda VS Somaliland ..

Badhtimihii dagaalkii 1aad ee aduunka wadanka Germany wuxu ku guuldaraystay inuu sii gumaysto wadanka Rwanda iyada oo uu maamulkii gumaysinimo uu la wareegay wadanka Belgium. 1959kii ayaa rabshado dagaalo wataa ka dhex qarxeen dadka HUTU- ga iyo TUTSI- ga sababo la xidhiidha dadka Hutu-ga oo gacanta ku hayay maamulka dalka, dagaalkani wuxu sababay in ay boqolaal qof ku dhintaan halka ay kumanaan kalena qaxoonti ku noqdeen wadamada jaarka la aha Rwanda.

1962kii Rwanda waxa ay madax banaanideedii ka heshay wadankii Belgium intii u dhaxaysay sanadihii 1962-1967kii in ka badan 120,000 qof oo dadka Tutsi-ga ah ayaa firxad naf lacarar ah ku galay wadamada jaarka la ah Rwanda
1980kii 480,000 ayaa markale qaxoonti ku noqday wadamada Burundii, Uganda , Zaire ( now Democratic Republic of Congo) , iyo Tanzania isla sanadkaas waxa talada dalka la wareegay madaxweyne Habyarimana, mushkiladihii ugu waynaa ee horayaalay madaxweyne Habyarimana waxa kamid ahaa kala qaybsanaanta bulshada wadanka Rwanda , dib u dejinta dadkii u qaxay dalalka jaarka la ah Rwanda iyo weliba caqabado dhaqaale.

1988kii waxa caasimada Uganda ee Kampala lagu aasaasay xisbigii RPF ( Rwandan Patriotic Front) oo ujeedadiisu ahayd nabadaynta dalka Rwanda.

August 1993kii dadaalo nabadeed oo ay hogaaminayaan OAU (organization of African unity) iyo dawlada Rwanda ayaa wada saxeexay heshiis loogu magacdaray (Arusha Agreement) taas oo u eekayd inuu gebi ahaanba soo gabagaboobay khilaafaadkii u dhexeeyey dadka Hutu-ga iyo Tutsi-ga, iyada oo golaha amaanka ee qaramada midoobay u magacaabay ururkii qaramada midoobay ee UNAMIR ( united nations assistance missions for Rwanda) shaqadiisuna ahayd nabadaynta iyo ilaalinta xuquuqul insaanka. Ururadii siyaasada ee Rwanda waxay ka cagajiideen in ay fuliyaan heshiisyadaas tani waxay sabab u noqotay in hadana mar kale la dareemay guux iyo khilaafyo hor leh.

6dii April 1994kii dhimashadii madaxweynayaasha Rwanda iyo Burundi oo sabab u ahaa bur-burkii diyaaradii ay saarnaayeen , dalka Rwanda waxa uu galay dhowr wiig oo aduunyada si weyn looga dareemay ,
Waxa boqol cisho gudahood lagu dilay ku dhowaad hal miyan oo qof 70% oo kamid ahi waxay ahaayeen dadka Tutsi-ga , isla markaana ahayd in la dilay 20% dadka reer Rwanda waana xasuuqii ugu xumaa ee dunida soo mara inta la ogyahay.

150,000- 250,000 dumar ah ayaa loo gaystay xadgudubyo ka dhan ah binaadanimada oo isugu jira kufsi iyo jidh dil.
Xasuuqan oo ay ku lug lahaayeen saraakiisha dawlada, booliska iyo milatariga ayaa 1.4 million qof oo rayid ah ayaa firxad ku galay wadanaka congo.

Kumanaan qof oo ku jiray xeryaha qaxoontiga congo ayaa u dhintay xanuuno ay kamid ahaayeen shuban biyood , iyada oo ay sidaa xaalku yahay ayaa hadana dadkii xeryaha qaxoontiga ku jirey ay abaabuleen weeraro ay hor kacayeen saraakiil ka tirsanaa dawladii hore. Tani waa mid kamid ah sababihii dhaliyey dagaalkii dhex maray Rwanda iyo congo 1996kii , waana dagaalkii ugu dhimashada badnaa aduunka marka laga yimaado dagaalkii 2aad ee aduunka.

Dadka reer Rwanda waxa ay la daalaa dhacayeen xaaladaha adag iyo xasuuqa ka socda wadankooda , burburka wadanka ee kaabayaasha dhaqaalaha waxa kaga darnaa waxay ay waayeen dadkii aqoonta lahaa ee isugu jirey sharci yaqaanada , dhakhaatiirta, macalimiinta iyo dhamaan labeentii bulshada. Waxa gebi ahaanba luntay rajadii dadka reer Rwanda ee ahayd in ay mar uun heli doonaan cadaalad iyo horumar , balse riyadaasi ma rumoobin.

2001 kii dadaalo dib u dhis ayaa laga hirgaliyey Rwanda waxaana dhidibada loo taagay nidaam cadaaladeed oo loo baxshay Gacaca.
20 sano oo xasuuq ah dadka reer Rwanda maanta waxa ay ku naaloonayaan nolol caafimaad iyo cimri dhererba leh, nabadgalyo , niyad wanaag , xoriyad nololeed oo aan waxyeelo lahayn iyo weliba heer dhaqaale oo fiican.

Warbixintan oo uu soo saaray bangiga aduunku dhowr sano ka hor waxa aan shaki ku jirin in horumar balaadhan lasameeyey intii ka dambaysay,
• Heerka cimriga nololeed(life expectancy) ee sanadkii 2000 waxa uu ahaa 48 sano halka imika ay ka tahay 62sano
• Faqrinimadu ( poverty) waxa ay hoos u dhacday 63%
• Caawimaada ay dibada (foreign aid) ka hesho Rwanda waa 20% marka loo eego dhaqaalaha wadanka (gross national income)
• Kobaca dhaqaalaha ee gudaha wadanku( gross domestic product) wuxu kobcayaa sanadkii 8%
• Qofka kasta oo reer Rwanda ahi maalinkii waxa soo gala qadar lacag ah oo dhan $ 1.25
• 24% kamid ah miisaaniyada wadanka waxa loo qoondeeyey in lagu bixiyo adeega caafimaadka, halka 17% kamid ah miisaanada wadankana lagu bixiyo waxbarashada.

Dalka Rwanda waxa u dejisan qorshe loogu magac daray hiigsiga 2020 (vision 2020) oo ah in sanadkaas wadanku ka baxo liiska wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo una gudbo wadamada dhaqaalahoodu dhexdhexaadka yahay ( from low-income countries to middle income countries).

Sida oo kale Kigali oo ah caasimada Rwanda waxa ay tartan ugu jirtaa in ay noqoto caasimada ugu quruxda iyo dalxiiska badan qaarada Africa.

………… …………… ………….
Su,aasha iswaydiinta leh waxa weeye bal ka warama Somaliland marka loo eego wadankan xalaadahaas adagi soo mareen inaka oo taariikho dhowr ah ka kamidaysan???