R/wasaaraha oo magaalada Kismayo kula kulmay xubnaha labada aqal, kana codsaday in ay ku taageeraan kursiga madaxweynaha

0
909

R/wasaaraha waii xilka haya Cumar C/rashiid Cali Sharma`arke oo maanta kulan kula qaatay magaalada Kismaayo xubnaha labada aqal ee dhawaan lagu soo doortay magaalada Kismayo ayaa ka codsaday in ay ku taageeraan kursiga madaxweynaha, ayna codkooda siiyaan.

R/wasaaraha oo ah musharrax u taagan xilka madaxweynenimo ayaa sheegay in dalku u baahan yahay isbadal, isagoona intaa hadalkiisa ku daray in hoggaanka dalka la fiiriyo sida uu u shaqeeyo waxna laga badalo.

Waxaa uu sheegay in is-qab-qabsi badan uu dalkani u keenay dib u dhac, loona baahan yahay in laga gudbo loona doorto shakhsi dalka ka gudbin kara caqabadahaasi.

Safarkan uu ra`iisal wasaaruhu ku tagay magaalada Kismayo oo u muuqda mid ku saabsan ololihiisa musharraxnimo ee madaxweynaha Soomaaliya.