Sababaha Muuse Biixi Madaxweyne Ku Noqon Karo: Q…1aad, Faallo. W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
343

Sababaha Muuse Biixi Madaxweyne Ku Noqon Karo: Q…1aad, Faallo.
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Waxa aynu qormooyin taxane ah ku cabbiri doonaa waddooyinka u furan ee Muuse Biixi Madaxweyne ku noqon karo. Si madax bannaan ayeynu u falaqayn doonaa siday u kala horeeyaan arrimuhu. Haa waa saadaal laga yaabo in ay dhacdo, lagana yaabo in aanay dhici Karin. Waa isku-geyn waayo hore aynu u soo marnay, laguna cabbirayo waxa taagan. Haddii aynaan waxba ka baran wixii hore inoo soo maray, waa suurtogal in ay dib inoogu soo noqoto fallaadhaasi. John F. Kennedy oo ka mid ahaa madaxweynayaashii soo maray Maraykanka ayaa laga hayey odhaah maan-gal noqotay,” Those who don’t learn their past mistakes are likely to repeat it again.” Kuwa aan waxba ka baranin khaladaadka taariikheed ee soo maray, way ku cel-celin khaladaadkaasi goor kasta. Sidaasi darteed waa inaynu dib u eegno wixii hore inoo soo maray. Ugu yaraan lix sababood ayaa laga yaabaa inuu Muuse Biixi Madaxweyne ku noqon karo:
Garab-Istaagida Madaxweynaha Iyo Xukuumadda
Sidii horeba u dhacday, markii Halgmaa Muuse Biixi loo dooranaayey musharaxa Madaxweynaha waxa codkiisii siiyey Madaxweyne Siilaanyo, oo horena ay isku ahaayeen saaxiibo siyaasadeed, in kastoo baryaha qaar la odhan jiray Siilaanyo kursiga ayuu ku fuulayaa Muuse, laakiin waxba uma ogala. Arrintaasina way soo af-jarantay. Madaxweyne Siilaanyo wuxuu dul iyo dul-qaad u leeyahay hanjabaadaha iyo cagojugleynta Kornayladii SNM ee ay muddada dheer ku soo wada jireen halgankii xukunka lagaga tuuray MSBarre, waana ta keentay inay si fudud isu-fahmaan labadoodu. Marka halkaasi laga soo bilaabo, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo si cad u garab taagnaan doonaa musharax Muuse Biixi, iyada oo aakhirkana maalinta cod-bixinta intuu ka soo baxo aqalka madaxtooyada isaga oo ay galbinayaan xubnaha wasiiradiisa ugu shilisi ay codkooda ka dhiiban doonaan goob loo sii qorsheeyey, una codayn doonaan musharax Muuse Biixe, si uu u tuso inuu ku kalsoon yahay, taageerana u hayo.
Markuu soo baxana wuxuu la hadli doonaa warbaahinta isaga oo shacabka ku hambalyan doona sida nabadgeliyada leh ee ay codkooda u dhiibanayaa. Sidoo kale musharax Muuse Biixi maalinta codaynta wuxuu samayn doonaa laba arrimood midkood. Kow, inuu soo qorshaysto xubnaha xisbigiisii ugu miisaanka culus inuu isku-xeero, isaga oo uu garabkiisa midig taagan yahay Kornaylka ay isku dheer yihiin mudane Maxamed Kaahin oo isaga laftiisu hunguri weyni ka hayo inuu xisbiga kala wareego markuu Muuse Madaxweyne noqodo, ka dibna uu tago goob cod-bixineed oo loo sii qoraheeyey. Laba, inuu raaco Madaxweyne Siilaanyo, ka dibna ay goob ka wada codeeyeen isaga oo Madaxweyne Siilaanyo uu gacanta midig hayo, si sawirkaasi uu dhambaal ugu diro, guud ahaan shacabka Soomaalilaan, gaar ahaana shacabka ku dhaqan gobollada Maroodi-jeex, Gabiley, Togdheer, Sanaag iyo Sool, oo uu hore isagu ugu reeyey cododkii ay siiyeen markii uu soo baxayey. Sidan oo kale waxa sameeyey Madaxweynihii Jamhuuriyada Ruushka ee la odhan jiray Booris Yalsin, isaga oo gacanta midig ku daadahaynaya Madaxweynahan haatan xilka haya ee Putin, sidaasina uu ku soo baxay.
Sidoo kale wuxuu sawirkani muujinayaa inuu Madaxweyne Siilaanyo soo celiyey abaalkii Muuse Biixi uu hore ugu hagar baxay. dhinaca xubnaha wasiirrada, haddii aynu eegno, waxa sida cadeeda u cad inay xubnaha wasiirradu orod-gucle ah ugu jiraan sidii mid kastaa ugu yaraan aanu booska u waayin, ugu badnaana uu helo boos wasiir oo ka sareeya kan uu haatan haysto. Waxa isna sawir miisan leh muunjiynaayey booqashooyinkii uu musharax Muuse Biixi ku kala bixiyey, gobollada dalka, siday u hareero yaacayeen, xubnihii ugu cuslaa Golaha wasiirrada iyo sida loogu qoondeeyey kharash gaar ah iyo soo dhaweyn aan kaba dhicin tii lagu qaabili jiray Madaxweyneyaasha.
Arrintana waxa ay soo baxday markii uu madaxweyne Siilaanyo go’aansaday inuu si aan gabbasho lahayn u taageeray Muuse Biixi, ee ay ka horyimaadeen wasiiradii iscasilay ee uu horjoogaha u ahaa Xirsi X. Cali. Markii ay taasi dhacdayna ayuu Madaxweyne Siilaanyo wasiiradii soo hadhay faraqa ugu guntay inay si aan ka fiirsi lahayn u garab is-taagaan Muuse Biixi, kii aan fikirkaasi la qabina uu xukuumada ka caydhin doono. Sidoo kale is-casilaadii xubnihii wasiiradu waxa ay keentay in uu Madaxweyne Siilaanyo u hanjabo xubnaha Golaha wasiirada inuu birta dhaafin doono cidii Muuse ka hortimaada. Marka la isku daro labadaas arrimood waxa ay xubnaha Golaha wasiiradu maanka ku hayaan inay gar iyo gardaro ula saftaan Musharax Muuse Biixi. Wasiirada qaarkood, gaar ahaan kuwa dabka la kulaala Musharax Muuse waxa ay sii dhiibteen hankooga. Waxa aanay gudbisteen codsigooda booska ay ka qaban doonaan dawlada dhalan doonta.
Wasiirrada qaarkood may qarsan badheedhahooda xilka ay ka qaban doonaan xukuumada cusub ee Muuse Biixi soo dhisi doono haddii uu guulaysto, iyaga oo ku doodda inay ka sarrayn doonaan mansabka ay haatan hayaan. Qaarkood wakhtigan ayey magacyo kula baxeen, sida, Xirsiga Muuse, Safiirka Muuse, Afhayeenka Muuse, wasiirka aan dhacayn ee Muuse IWM. Xukuumadu waxa ay kharash ku bixin doontaan siduu uu musharax Muuse ku guulaysan lahaa, taasina waxa daliil cad u ah sidii mug lahayd ee dhaqaalaha loogu taageeray booqashooyinkii uu ku kala bixiyey gobollada dalka. Warbaahinta dawladda ayaa dhinaceeda sii dayn doonta taageero baaxad leh oo musharax Muuse loo muujiyo, waxa aanay isku lammanayn doonaan ololihii iyo sawiradii uu Madaxweyne siilaanyo adeegsan jiray wakhtiyadii uu orodka ugu jiray inuu Madaxweyne noqdo.
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Soomaalilaan.
calicoomay@hotmail.com

La soco Qaybaha Dambe………………………………….