Sababihii Soo Dedejiyay Dagaalkii 1988-kii Ee SNM Iyo Maxamed Siyaad Barre. W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
1135

Sababihii Soo Dedejiyay Dagaalkii 1988-kii Ee SNM Iyo Maxamed Siyaad Barre. W/Q: Cali Cabdi Coomay
Markii la isku mari waayeen saxeexa heshiiska, ayaa lagu daayey in dib loo dhigo saxeexa,
Sababtii soo dedejisay inuu dhaco dagaalkii 1988-kii dhexmaray xukuumadii Maxamed Siyaad Barre iyo jabhadii SNM ayaa lagu sheegaa dhawr arrimood, balse sababta ta ugu weyn ayaa ahayd heshiiskii dhexmaray Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Maryam-kii Itoobiya xukumaayey. Heshiiskaasi qaybtiisi hore waxa ay ka dhacday dalka Jabuuti, halka kii dambena lagu saxeexay magaalada muqdisho.

Heshiiskaasi markuu dhacay ayey dad badan oo soomaali ahi la yaabeen, maadama oo aan laga tanaasulin in si yar oo fudud loogu wareejiyo dhulka soomaali galbeed dalka itoobiya. May geli karayn maanka dadyowga soomaalida ah ee degan geeska afrika. Laakiin arrintaasi waxa ka xoog weynaa sidiii loo baahi’in lahaa kacdoonkii waqooyiyga ee uu hormoodka u ahaa dhaqdhaqaaqii SNM.

Heshiiskii Maxamed Barre iyo Megnistu Xayle Maryam
Dabayaaqadii bishii maarij ee sannadkii 1988-kii waxa dalka Jabuuti ku kulmay Maxamed Siyaad Barre iyo Mengistu Xayle Maryam si ay uga wada xaajoodaan heshiiskii dhexmaray labadooda sannadkii 1987-kii oo ahaa gogol-xaadh. Kulankaasi Siyaad Barre iyo Mengistu dhexmaray wuxuu u dhacay saddex qaab.

Wuxuu ku bilaabmay labada wefti oo isu dhan, muddo markii uu socday wadahalku ayuu Maxamed Siyaad codsaday in ay labadoodu isku keliyeystaan oo weftiga intiisa kale dibada uga baxaan. Weftiyadii ayaa ka baxay shirkii. Ato Demise iyo Ato Mogus oo ka tirsanaa weftiga Itoobiya ayaa sheegay inuu Maxamed Siyaad jilbaha qabsaday Mengistu isaga oo ka codsanaya in ay heshiiska ku saxeexaan Jabuuti oo aanay u kala kicin. Mengistu wuxuu taagnaa oo ku celcelinayey in heshiiska majarihiisa la mariyo oo labada wefti ee wasiirrada ah iyo guddi farsamo soo habeeyaan ka dibna ay saxeexaan.

Markii la isku mari waayeen saxeexa heshiiska, ayaa lagu daayey in dib loo dhigo saxeexa, balse qodobbada ajandaha la isla qaato. Markii ay labadii Madaxweyne ku heshiiyeen qodobbaddi ajandaha heshiiska ayaa loo yeedhay labadii wefti ee dibada ku maqnaa. Qodobbadii ugu darnaa ee muranku ka dhacay waxa ay ahaayeen, kow in dhulka Soomaali Galbeed(kililka Shanaad) Maxamed Siyaad ka tanaasulay kuna wareejiyey Itoobiya, isaga oo ku dooradsay in SNM taageerada laga joojiyo, lana cunaqabateeyo ugu dambaynta hubka laga dhigo. Laba arrimo oo la xidhiidha xuduudda koonfurta Soomaaliya ee labada dal, oo Maxamed Siyaad in badan ka hadlay.

Saxeexii Heshiiska Ee Muqdisho Bilowgii bishi afraad ee Sannadkii 1988-kii waxa magaalada Muqdisho yimid wefti Itoobiyaan ah oo uu hogaaminaayey wasiirkii arrimaha dibadda oo la odhan jiray Birhanu Baye. Muddo yar ka dib waxa ay magaalada Muqdisho ku kala saxeexdeen heshiiskii ay Itoobiyaanku diideen in lagu saxeexo Jabuuti.
Maxaa Keenay Saxeexan Deg-Dega ah Ee Dhinaca Itoobiya ka yimid?
Mengistu markii hore ee uu ku sii socday Jabuuti ee uu Maxamed Siyaad la kulmayey wuxuu sii maray Asmara oo uu kula kulmay qaar ka mid ah Jananadii hogaaminaayey dagaalkii halkaasi ka socday ee u dhexeeyey xukuumadii Mengistu iyo jabhadii reer Erayteriya. Waxa halkaasi ku dhexmaray Mengistu iyo Jananadii muran salka ku hayey sidii loo maarayn lahaa dagaalka iyo xal siyaasadeed lagu eego.

Mengistu wuxuu aaminsanaa in dagaal arrinta lagu wado, halka ay jananadu xal dublumaasiyadeed taageersanayeen. Sidaasi ayuu Jabuuti ku tegay. Markii uu ka soo noqday jabuuti ee uu soo gaadhay Adiis Ababa ayaa loo sheegay in ay guutooyin badan oo ka tirsan ciidankii Itoobiya isu dhiibeen jabhadii ka soo horjeeday Mengistu xukunkiisa. Ka dib Mengistu wuxuu go’aan ku gaadhay inuu la heshiiyo Maxamed Siyaad ka dibna ciidanka ka jooga gobalka Harargee uu u raro Erateriya oo ay uu buuxiyo booskii ay baneeyeen ciidankii ka goostay. Haddii markii Jabuuti la joogay uu Maxamed Siyaad heshiiska u baahnaa markii dambena waxa heshiiska u baahnaa Mengistu. Heshiiskii Muqdisho Mengistu ayaa gondaha qabsaday Maxamed Siyaad
Cali Cabdi Coomay
Suxufi, Qoraa ah.
Haragaysa, Somaliland
calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
Milicsiga Dagaalkii Dhexmaray Xukuumaddi Maxamed Siyaad iyo Jabhadii SNM (2014)……… Sayid-Axmed M. Yuusuf(Dhegay).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here