Sacuudiga oo ku biiray dalalka saldhigga ciidan ka furanaya dalka Jabuuti

0
385

Dawladda Sacuudiga ayaa noqon doonta dalkii u dambeeyay ee saldhig millatari ka samysta Jabuuti. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa wargays Sacuudiga ka soo baxa u sheegay in labada dal ay ka heshiiyeen arrintaas, ayna mardhaw si rasmi ah u shaacin doonaaan.

Ciidammada Maraykanka iyo kuwa Faransiiska ayaa haddaba saldhigyo ku leh dalka Jabuuti. Dakadda dalkaasna waxaa isticmaala ciidammada badda ee dhawr dal oo kale.

Shiinaha ayaa sidoo kale halkaas ka dhisanaya saldhig Millatari. Dawladda Jabuuti waxay sheegtay in ay Sacuudiga u soo bandhigtay in ay saldhiga millatariga ka dhisato dhanka xeebta.

Labada dal ayaa isu soo dhawaanayay sannadihii u dambeeyay, iyaga oo dhistay iskaashi xoog badan oo kala ah dhanka ammaanka , mid siyaaasadeed iyo waliba mid dhaqaale.

Bishii koobaad ee sanadkanna Jabuuti waxay calaaqaadkii dublamaasi u jartay dawladda Iiraan iyada oo taageero u muujinaysa boqortooyada, labo billood ka dibna Sacuudigu wuxuu meel mariyay heshiis aan dhamaystirnayn oo ku saabsan iskaashi millatari oo ay Jabuuti la yeeshaan kaas oo uu ka mid yahay in ay saldhig ka samaystaan gudaha Jabuuti.

Madaxwaynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dhawaan sheegay in uusan wax dhib ah u arkin in dalkiisu uu martigaliyo ciimmo kala duwan oo ka socda dalal awood badan xataa haba noqdaan kuwo iska soo hor jeedee, sababtana waxa uu ku sheegay in dalalkaasi ay leeyihiin ujeedo midaysan oo ku aadan la dagaalanka argagixisada iyo burcad badeeda.

Dalal badan oo doonaya in ay saldhig millatari ka samaystaan dalkooda meel ka baxsan ayaa door bida dalkan yare e Jabuuti oo ah mid ammaan ah balse ku yaalla gobol aan xasilloonayn. Soomaaliya iyo Yemen oo ay daris yihiin ayayna ka jiraan colaaddo.

Sacuudiga ayaana hogaaminaya xulafo gacanta kula jirta colaadda sokeeye ee Yemen, in ay gudaha Jabuuti uu miilatari ka joogana hawlgalkaas ayaa ka faaiidi.