Safiir Baashe Cawil: Halyeygii Horumarka & Maalgashiga Somaliland

0
706

Safiir Baashe Cawil: Halyeygii Horumarka & Maalgashiga Somaliland

Taariikhdu iyadaa is-qorta, waa xaqiiq, maanta oo bishu tahay 09 May, 2016, waxay hirgalay hammi muddo dheer ay hilaadinayeen bulshada reer Somaliland oo la xidhiidha sidii dalkoodu loogu heli lahaa maalgashi dibedeed oo wax badan ka tara sare u qaadida noloshooda, ka dib markii xukuumada Somaliland oo u metelayey Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr. Sacad Cali Shire heshiisyo kala duwan la saxeexaday wadanka Imaaraadka Carabta, oo ugu muhiimsan tahay horumarinta iyo casriyeynta dekeda Berbera.

Heshiisyadan oo la filayo in sida ugu dhakhso badan loo bilaabo hirgelintooda ee maanta lagu kala saxeexday magaalada Dubai ayuu goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) iyo wefdi uu hogaaminayo oo socdaal matriqaad rasmi ah ka helay dawlada Imaaraadka carabta ku tegay dalka shalay.

Wax walba maalin ayey bilaabmaan, isla markaana qof ayaa magaceeda qaata, oo taariikhda ku suntanaada weligeed mar kastoo dib loo xusuusto dhacdo walba, sidoo kale, heshiiskan maanta ay kala saxeexdeen labada wadan ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu waxuu noqon doonaa furahii horumarka Somaliland iyo helitaanka maalgashi dibadeedkii ugu badnaa ee dalkeenu helo, isla markaana laga dhaxli doono isbedel horumar dhinacyo kala duwan leh oo dalka iyo dadka Somaliland uga aayi doonaan.
Sidaan hore u soo sheegnayna taariikhdan u bilaabmatay horumarka Somaliland waxuu magaciisu ku suntanaan doonaa, isla markaana amaanteeda yeelan doona Safiirka Somaliland u qaabilsan dalka Imaaraadka carabta Mr. Baashe Cawil Cumar, oo mudadii sannadka ka yarayd ee uu xilkaa hayey muujiyey waxqabad baaxad weyn, oo sahlay in bulshada Somaliland ka helaan manaafacaad kala duwan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) oo xilka safiirnimada dalka Imaaraadka Carabta (UAE) u magacaabay Mr. Baashe Cawil Cumar 30 June, 2015, isla markaana hayey muddo gaadhaysa toban bilood, ayaa natiijooyinka ka soo baxay waxqabadkiisa iyo taageerooyinka kala duwan ee wadanka Imaaraadka Carabtu u huray shacabka Somaliland aan la tirin karin caddakooda, hadday noqoto dhinacyada Waxbarashada, Caafimaadka, Biyaha, gargaarka Abaaraha, horumarinta kaabayaasha, sida wasaaradaha, kuwaas oo intoodii badnayd la fuliyey, qaar ka mid ah wakhtigan dhismahooda gacanta lagu hayo, sida dhisitaanka dhaamam biyo iyo warshada qaliinka xoolaha ee berbera.

Bulshada Somaliland Inbadan ayaa xusuusataa, sida dad badan oo hubsiimo-la’aan hadla ama xisbiyada mucaaradka ka tirsan u dhaliili jireen, ama uga horyimaadeen magacaabistii Mr. Baashe Cawil, laakiin, muddo kooban ka dib, markii bulshada Somaliland markhaati ka noqotay waxqabadka dhinacyada kala duwan ee safiirka Cusub ku soo kordhiyey dalkiisa iyo dadkiisa, waxa la waayey ama meesha ka baxday dhaliilo iyo eedo aan jirin oo inbadan la xidhiidhin jireen, taasoo caddeynaysa inaanay jirin ama been ahaayeen waxii ay ka qori jireen.

Qofku waxuu qiimo yeeshaa, marka uu qiro waxqabadka walaalkii ama qof xilka ummada haya uu soo kordhiyo, taasoo ku kasbanayo abaal inta kale, isla markaana Ilaahay dhinaciisa kaga helayo xasanaad, markuu u haneeyo una qiro kaalinta uu ka soo baxay iyo waxqabadka ku yimi dedaalada uu sameeyey walaalkiisa islaamku, taasoo, dhinaca kale haduu ka gaabiyo ama kala masuugo qiritaankeeda Ilaahay iyo ummadiisaba kaga kasbanayo sharaf dhac, sida macnaha xadiis nebigeena Maxamed CSW “Mala iimaan hadaanad waxaad naftaada la jeceshahay, walaalkaa la jeclaan”

Waxaan leeyahay, inkastoo amaanta iyo hambalyada hawshan maanta ummada Somaliland u soo hoyatay ay yeelanayaan guud ahaan xukuumada oo ugu horeeyo Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo, iyo siyaasadiisa hogaamineed, waxay haddana, si gaar ah ugu sii suntanaan doontaa safiirka Somaliland ee dalka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil Cumar, oo la’aantii aanay suurtowdeen, ama aynu odhan karno intii uu hayey xilka loo magacaabay ayey ka mid ahayd ama ugu weynayd waxqabadka uu muujiyey una soo kordhiyey dadkiisa iyo dalkiisa Somaliland.

Waxaan kaga baxayaa maanta waxaan ku naanaysi lahaa Safiir Baashe Cawil Cumar, halyeygii Horumarka & Maalgashiga Somaliland, waxaanan rajeynayaa inuu heshiiskani inoo horseedo horumar wadankeenu ka gaadho dhinac walba, waxaana loo baahan yahay sidii aynu wadajir shacabka Somaliland ugu soo dhoweyn lahaa, isla markaana uga ilaashan cadow kastoo gudaha ama dibedda oo isku daya inuu khalkhal geliyo ama la yimaado talaabo kastoo ka horimanaysa hirgelintiisa, sidoo kalena waxaan kula dardaarmayaa xisbiyada mucaaradka inay ka qeybqaataan soona dhoweeyaan horumarka dalka iyo wax u qabashada bulshada Somaliland, taasoo kaalin weyn ka qaadan doona hadii berri ay ku guulasytaan hogaaminta dalka ay u socdaan, laakiin, aanay noqon caqabad ka horistaagta dalka iyo dadka helitaanka iyo gaadhitaanka furahii horumarka oo ah maalgashi dibadeed, ugu horeeyo heshiiskan Imaaraadka Carabta.

Waxaan Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Siilanyo, goleyaasha Qaranka, Ururada Bulshada iyo Guud ahaan bulshada Somaliland ka codsanayaa inay ku abaalmarino shahaado sharafta ugu sareysa dalka Safiirka Imaaraadka Carabta Mr. Baashe Cawil Cumar, taasoo ku mutaystay waxqabadkiisa aan qiyaasta lahayn iyo dedaaladiisa uu kaga dhabeeyey himiladii shacabka Somaliland ee horumarka dalkooda iyo helitaanka maalgashi dibadeed mudadii yarayd ee uu xilkaa u hayey.