Safiir Baashe Cawil oo Shacbiga ka tacsiyadeeyey geerida Marxuum Gashaanle sare Faysal Kaamil Ciise

0
450

TACSI: IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka Carabta Amb. Baashe Cawil Cumar, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo ka Jaaliyada Reer Somaliland ee Imaaraadka ku dhaqan, waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle haw naxariistee Marxuum Gashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise oo maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa 26/10/2016.
Safiirku wuxu Alle uga baryayaa marxuumka in Alle naxariistii janno ka waraabiyo qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo Amin Amin