Sagaashan qof oo Soomaali ah oo Mareykanka laga soo tarxiilay

0
324

90 qof oo Soomaali ah iyo laba Kenyan ah ayaa laga soo masaafuriyay dalka Mareykanka sababo aan kala caddeyn.
Dadkan oo laga soo dejiyay garoonka dayaaradaha ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi, ayaa waxay ku soo beegmayaan xilli uu Madaxweyne Donald Trump la filayo inuu saxiixo amar shuruuc adag ku soo rogaya oo wax looga qabanayo dadka soogalootiga ah ee sida sharci darrada ah ugu sugan Mareykanka, oo ay ku jirto dal-ku-galka laga joojiyo dadka u dhashay Suuriya iyo lix waddan oo kale oo ku yaal Bariga Dhexe iyo Afrika.
Afhayeenka dowladda Kenya, Eric Kiraithe ayaa BBC u sheegay in saaka arroortii la keenay dadkaasi Soomaalida iyo Kenyanka isugu jira.
Trump: Soomaaligii weerarka Ohio gaystay ma ahayn inuu dalka joogo
Trump oo weeraray Soomaalida Minnesota
Afhayeenku waxa uu sheegay in Kenya iyo Mareykanka ay iska kaashanayeen fududeynta hawlgalkan lagu soo masaafuriyay dadkaasi.
Soomaalida la soo tarxiilay ayaa ku sii jeeda magaalada Muqdisho, sida uu sheegay Mr Kiraithe.
Soomaali qoxootinimo ku galay Kanada oo wasiir noqday