Saldhigan millateri Somaliland wuxu ka dhigi doonaa goob dunidu ku tartanto By Axmed Cabdi Ducaale

0
664

Waxan soo dhawaynayaaa dalabka Dawladda imaaraadku usoo gudbisay xukuumadda Somaliland kaasi oo ah in la siiyo base millatery ama saldhig milateri Saldhigan millateri Somaliland wuxu ka dhigi doonaa goob strategic ah oo dunidu ku tartanto Sidaynu ogsoonahay wadankeenu wuxu u baahan yahay maalgashi iyo ictiraaf Taasina suura geli mayso ilaaa dunidu ina barato maalgashina laga sameeyo wadankeena Waa wax iska caadi saldhig millateri in wadan ka samaysto wadan kale tusaale Wadankan aynu jaarka nahay ee jabuuti Waxa saldhigyo millateri ku leh wadamada Maraykanka, france iyo shiinaha Ma qabsan oo ma haystaan lkin waxay wadaagaan dano u dhexeeya iyaga Waxay ka taageran waxbarashada,caafimaadka, iyo kaabayaasha dhaqaalaha ,fursadi shaqo iyo maalgashiyo caalami ah Hadaba waaa maxay muhiimaddu uu Somaliland u leeyahay saldhigan millateri 1.Somaliland wuxu ka dhigayaa goob muhim ah oo dunidu kusoo tartanto 2.dhiiri gelinta inaynu helno maal gashiyo caalami ah sida ka DP world 3.waxay Somaliland ka helaysaa fursado shaqo abuur waayo waxa shaqo ka heli doona dad badan oo reer Somaliland 4.waxa inoo fududaanaysa inaynu deeqo waxbarasho ka helno wadankaa maalgashiga samaynaya 4.tababaro kor loogu qaadayo xirfad la yaasha caafimaad ee wadankeena 5.Somaliland inay noqoto goob muhim ah oo dunidu isku soo hallayso 6.in Somaliland la barto oo ay ictiraafka inoo fududayso Wadankeenu ahaan maayo qoobad aynu hoosta ka xidhanay ee waxa muhim ah in aynu dunida u bandhigno khayraadkeena iyo doorka aynu ku leenahay amniga mandaqadda

1960kii ayaa dawladii ingiriisku tidhi aan idiin dhiso college lagu barto culuumta caafimaadka kaas oo noqonaya machadka ugu qaalisan ee geeska afrika macaahidda lagu barto caafimaadka Bulshadii markay joogtay way ka hor yimaadeen iyagoo ku andacoonaya inuu arimo kale ka leeyahay Ingiriiskii arintaa aad buu ula yaabay Isla markaana mashruucii wuxu u wareejiyay wadanka suudaan oo uu ka hir geliyay college kii Collegkani hadda wuxu noqday ka ugu qaalisan ee lagu barto culuumta caafimaadka geeska afrika oo dhan
+++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++.
Hadaba bulahadeenu miyaanay ka ilbaxayn ii iinyada iyo waxaaas la qaban maayo Miyaanay dhibaato ahayn inaynu u fekerno Sida ay u fekerayeen odayaashii noolaaa 1960kii Hadaynu nidhaahno waddo la dhisi maayo, Oo wershadd la dhisi maayo ,oo shidaal la qodi maayo dee xagaynu ku soconaa idinkaan idin weydiiyee? Bulshadda waxan usoo jeedinayaa inay si wacan u fekeraan isla markaana taageeraan horumarka wadanka iyo maalgashiyadda wadankeena ka socda

Wabillaahi tawfiiq

W/Q Axmed Cabdi Ducaale