Sanduuqa Horumarinta Somaliland Waxaa Looga Fadhiyaa In Ay Ka Qaybaataan Wadooyinka U Baxa Gobalka Hawd, Deegaankana Shaqaale U Qoraan.

0
439

Sanduuqa Horumarinta Somaliland Waxaa Looga Fadhiyaa In Ay Ka Qaybaataan Wadooyinka U Baxa Gobalka Hawd, Deegaankana Shaqaale U Qoraan.

Sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) waa mashruuc ka mid mashaariicda horumarineed ee wadanka ka socda, ka ugu wayn waa mashruuc loogu talo galay in lagu horumariyo wadanka oo ay maalgaliyaan bulshada caalamku, waa mashruuc  fiican oo bilaw ah oo hada uun shaqaadiisa bilaabay. Kaas oo lagu shubay lacag aad u badan uu baahan  in si fiican loo maamulo Isla markaana u baahan in  cadaalad loogu sameeyo dhamaan bulshada reer Somaliland degmo kasta iyo gobal kasta.

Mashruucan oo xaruntiisu tahay Magaalada Hargeysa gaar ahaan Xaafada Ahmed Dhagax ayaad mooda in ilaa hada aan la garanayn qaabka ay u xushaan shaqaalahooda faraha badan ee wadanka ka hawlgala haday shaqaalaha hoose iyo kuwa sareba,  taasoo laga rabo in ay  u cadaalad sameeyaan waqtiga shaqo qorista isla markaana ay ka qaybgaliyaan dadka deegaaanka .

Dhinaca  horumarinta ilaa hada waxaa ka socda xaafaadaha Maxamud Haybe Iyo Ahmed Dhagax iyo  deegaanka la jaarka ah wadooyin dhexmara xaafada iyo waliba wadooyinka wadada cad iyo wadada Baligubadle oo u jira min hal kilimitir, ma jirto mid kaliya oo ay ilaa hada gacan ka gaysteen  haba yaraatee taasina waa mid muujinaysa sida aanay isaga xil saarayn dadka deegaanka ay la jaarka yihiin.

Hadaba waxaan u soo jeedinayaa mashruucaas si aanu u fashilmin in laga simo bulshada haday tahay dhinaca maalgalinta iyo shaqaalaysiinta ugana qaybqaataan si buuxda oo waafaqsan sharciga ay ku shaqeeyaan ee wadanka kaga hawlgalaan.

Sidoo kale waxaan u soo jeedinayaa sanduuqan in ay ka qaybgaliyaan qorshayaasha sanadakan ee wadooyinka u baxa gobalka hawd ee hada gacanta lagu hayo taasoo ah hawl aad u balaadhan oo ay tahay in mudnaanteeda la siiyo gacanbuuxdana ka gaystaan. Hadii waxba laga bedeli waayana waxaa dhici karta in mashruucaasi in uu waayo kalsoonidii ay dadku qabeen mashruucaas.

 

W/Q: Mahad Ciise Xirsi (Boss)

Sulub2@ Hotmail.com

Tell : 0634479513

La soco qaybaha  danbe

Hargeisa, Somaliland.