Saraakiil Ka Socota Hay’adda SDF Oo Ay Wehelinayeen Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Oo Maanta Kormeer Balaadhan Ku Soo Sameeyay Banka Qoolcaday + Sawiro‏

0
374

Saraakiil Ka Socota Hay’adda SDF Oo Ay Wehelinayeen Wasiiro Ka Tirsan Xukuumadda Oo Maanta Kormeer Balaadhan Ku Soo Sameeyay Banka Qoolcaday + Sawiro‏

Hargaysa(Warsugannews)- Waxaa Maanta Deegaanka Banka Qoolcaday ee hoos taga Degmada Salaxley kormeer balaadhan oo xaqiiqo raadin ah ku soo maray Saraakiil ka socotay Hay’adda Sanduuqa Horumarinta ee SDF , waxaana ku wehelinayay Komeerkan Wasiirada kala ah Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland C.laahi Maxamed Daahir Cukuse , Wasiir Ku Xigeenka Kalluumaysiga Muj Cabdi Wadaad , Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Dayib Cismaan Caalin , Hogaanka Guddida Sahan Barwaaqo Ee Deegaankaasi , Masuuliyiin ka soo jeeda Deegaankaasi oo isugu jiraa Aqoonyahan , Madax Dhaqameed , Dhalinyaro iyo masuuliyiin kale .

Waxaana Komeerkani uu daarrana sidii Saraakiishan ka socota Hay’adda SDF ee Maal Galinaysaa Mashruuca Seeraha Qoolcaday ay u soo arki lahaayeen Xaaladda Dhabta ah ee ka jirta Deegankani iyo sida bulshadu u arkaan Mashruucan .

Waxaanay indhahooda ku soo arkeen in dhulkani yahay Dhul aanay cidi lahayn oo banaan isla markaana u baahan in laga hir galiyo Mashruuca Seeraha Banka Qoolcaday .

Duqa Degamda Salaxley Shiine Tahar oo warbixin siiyay Saraakiishan ayaa sheegay in Deegaankani u baahi wayn u qabo Mashruucan isla markaana ay muddo sugayeen , sidoo kale wuxuu ka codsaday in sida ugu dhakhsaha badan ay u fuliyaan Mashruucan walibana ay soo horraysiiyaan Biyaha oo uu sheegay in baahi wayn ay u qabaan bulshada ku dhaqan Deegaankani .

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Mudane C/laahi Maxamed Daahir Cukuse oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay jireen Dad qayl qalin jiray isla markaana lahaa bu yidhi Dano siyaasadeed iyo Dad la khalday , balse bu yidhi immika Bulshada la wacyi galiyay oo loo sheegay Faa’idada Mashruucani u leeyahay .

Mid ka mid Saraakiishaasi oo isaguna hadlay ayaa sheegay in qorshahoodu yahay sidii uu u socon lahaa mashruucani isagoo ballan qaaday in waxaa ugu horeeyaa ee laga fulinayo Deegaankaasi uu yahay in laga soo saaro biyo .

Si kastaba ha ahaate Bulshada ka soo jeeda Deegaankaasi ayaa si wayn ugu hanqal taagayaa hirgalinta Mashruucan iyagoo tilmaamay in ay markii hore qaab khaldan wax loogu sheegay , balse immika ay diyaar u yihiin in Mashruucaasi laga hirgaliyo Deegaankaasi oo ay gacmo furan ku soo dhaweenayaan .

 

DSC00279 DSC00288 DSC00298 DSC00301 DSC00304 DSC00310 DSC00313 DSC00326 DSC00333 DSC00350