Sarkaal iyo saaxiib kal-furraa: Siciid Cali Giir (1942kii – 2015ka) Q.5aad

0
738

Sarkaal iyo saaxiib kal-furraa: Siciid Cali Giir
(1942kii – 2015ka)

“Qacda kamaradaydiyo,
Buug xusuusta qaadiyo,
Qabashada rikoodhkiyo,
Qalinkiyo dawaaddiyo,
Qoraalkaygu way wehel,”

Tuduc aan ka dheegay maansada Dhayalsi,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormadii: 5aad

7/9/2015ka
1. In shacbigu xoojiyo midnimadiisa, cududdiisana meel isugu geeyo, iskana ilaaliyo kala-qaybsanaan walba oo inagu waarinaysa habeenka madow ee digtaatooriyadda, dib-u-dhaca iyo xaq-soor la’aanta;
2. Labada dhinac waxay dawladaha iyo hay’adaha samo-falka ee caalamiga ah ee weli kaalmada u fidiya dawladda iyo ciidanka digtaatooriyadda ugu baaqayaan in nidaamkaa la go’doomiyo, lagana jaro kaalmadan uu hagardaamada shacbiga u isticmaalo;
3. Labada dhinac ee Heshiiskan saxeexay waxay isla garteen in dedaal kasta loo galo sidii qaxootiga hubeysan looga saari lahaa ciidammada cadowga ayna guryahoodii nabad ugu noqon lahaayeen,
4. Ugu danbayntii waxay labada dhinac Ururrada Jabhadaha mucaaridka ah ee hubeysan iyo kooxaha kale ee mucaaridka ah, sida kooxdii bayaanka Muqdisho, kuna sugan magaalo-madaxda iyo gobollada ugu baaqayaan in ay ka digtoonaadaan in loollan xukun iyo awood-u-kala dheereyn dhexdooda ka abuuranta; iyada oo ay la gudboon tahay in ay ku dedaalaan mideynta halgankooda iyo jiritaanka xidhiidh adag oo wada-shaqayn iyo isku-duwidda hayaanka halganka ciidameed iyo siyaasadeed ee weli lagu jiro;
5. Labada dhinac waxay canbaarayn kulul dusha uga tuurayaan nidaamka cadowtinnimo ee dharaar iyo habeenba ugu hawl jira sidii uu fidmo iyo is-af-garan waa u dhex dhigi lahaa Beelaha Soomaaliyeed ee walaalaha ah;
6. Waxa kale oo ay labada dhinac canbaaraynayaan tabaha cadowtinnimo iyo shirqoollada khatarta ah ee nidaamka nacabka ahi ku fuliyo siyaasadihiisa kala-qaybi oo xukun iyo sii ballaadhinta burburinta iyo baabi’inta Qaranka Soomaaliyeed;
7. Labada dhinac waxay hanbalyo iyo bogaadin u dirayaan xoogagga xoreynta Soomaaliyeed ee halganka qadhaadh kula jira nidaamka digtaatooriga ah;

Ugu danbayn, waxay labada dhinac hanbalyo iyo bogaadin u dirayaan xoogagga xoreynta iyo nabadda ee adduunka iyaga oo canbaaraynaya xoogagga nabadda, dimuqraadiyadda iyo horumarka lidka ku ah.
“Dhankaana dhan ah,” ayay odhaahdu ahayd. Siciid Cali Giir dedaalkaas iyo hawl-galkaa nabadaynta loo galayna doorkaa shariifka ah ayuu ku lahaa. Heshiisyadaas iyo is-af-garashadaasi waa tii dhalisay in aanay ciidammadii SNM ee dibuxoreynta qaran ku hawlanaa u gudbin gobollada Sool, maxaa yeelay hore ayaa heshiisyadaas loo galay iyada oo la sii arkayay aayaha ummadda Soomaaliyeed halka uu ku danbaynayo.
Waxaan jeclahay in aan ku soo gunaanado taxanahan koobnaa ee Siciid Cali Giir qormo aad u gaaban oo uu ii soo gudbiyay Keyse Shukri Jaamac oo yaraantiisii kula sheekaysan magaalada Diri-dhabe, waxaanu Keyse yidhi:
“Siciid wuxu ahaa qof aad u dun wanaagsan oo qalbi furan oo aad si dhib yar isku baran kartaan. Waxay ahayd 1984kii horraantiisii iyo magaalada Diri-dhabe. Siciid wuxu ka tirsanaa ururkii SNM.

Siciid waxaan ku xasuustaa talooyinkii dhaxa- galka ahaa ee uu guud ahaan duruufaha markaa jiray ka bixin jiray. Wuxu ahaa oday kaftan badan oo bulshada dhexdeeda laga jecel yahay, yar iyo weynna isku si’ u raalli-geliya.

Wuxu Ilaahay siiyey maskax aad u sarraysa, oo garasho iyo xusuus badan leh. Maalin ayaan waydiiyey waxa ku kellifay in uu askari noqdo, aniga oo xirfadda askarinnimada yara maagaya, dareensanaana in uu Siciid leeyahay karti intaa ka badan. Waxa uu ii sheegay in sannadkii 1959kii ama 1958kii uu dugsiga sare dhammeeyey, xilligaa qofka dugsi sare dhammeeyaa waxa uu xaq u lahaa jaamacad bilaash ah oo boqortooyada Ingiriiska loo tago.

Wuxu Siciid igu yidhi, maalintii aan la kulmay guddida hawshaa waxbarashada u qaabbilsanayd mustacmaradda Ingiriiska ayaa waxa lay waydiiyey maaddadda (Subject) aan doonayo in aan soo barto. Waxaan ugu jawaabay sharciga (Law), waxa ninkii guddida u hor-joogaha ahaa oo Ingiriis ahaa igu yidhi sharciga dawladda Ingiriis way joojisay ee maaddad kale dooro, anna waxaan ugu jawaabay oo sow lixdankii sannad kama hadhin, waar iska hayso waxbarashadaada.

Xubnihii guddida ku jiray ee Soomaalida ahaa ayaa igu yidhi adeer lixdanka waxba ka garan maysid e’ maaddadahaa kale mid qaado. Kama yeelin aniga oo isla qab wayn una arka in 1960kii oo maalintii xornimada Somaliland ku beegnayd ah, in janno soo dillaacayso, ayaan odayaashii taladoodii ku gacan-saydhay.

Muddo ka-dib ayaa aniga oo fadhiya casar maqaaxida Tuyuub oo Hargeisa ku taalla, ayuu Cumar Hadraawi oo ka mid ahaa raggii xornimada Somaliland laf-dhabarta u ahaa ii yeedhay oo ii sheegay in saraakiil millateri Ingiriiska loo dirayo, haddaynu xisbiga SDU nahayna hellay xubin, markaa qofka keliya ee GC ama Dugsi sare dhammeeyey ayaad tahay ee ururka ka tirsan, sidaas ayaan ku galay ciidammada millateriga.

Siciid wax madaxa kaga jiray gumacyo rasaasa oo kaga dhacay tuulada Daba-goryaale dagaalkii 1964kii ee Itoobiya iyo Soomaaliya, markaan waydiiyey sababta uu iskaga saari waayey, wuxuu iigu jawaabay maanaa taariikh kaleba haya oo aan da’-yartiina tuso.

Siciid wax uu ka mid ahaa saraakiishii reer Somaliland ee 1961 Inqilaabka dhicisoobay ka sameeyey Somaliland.

Siciid Ilaahay Jannada fardowsa ha ugu deeqee wuxuu kaalin muuqata ku lahaa jabhadihii la dagaalamaayey nidaamkii siyaad bare, isaga oo markii gore galay SSDF kedibna uga diga rogtay ururkii SNM.

Inta aan ka xasuusto Siciid wax uu la walaal ahaa oo aad uga yaraa Cali Cali Giir, oo sida ka muuqata magaca Cali Cali tahay wiil iyo aabihii oo isku magaca, sababtuna ahayd in cali giir caruutu ka noqon(Saqiiri) jirtay, caado Soomali jirtana la raacay oo odhanaysa in Wiilka dhasha loo bixiyo magaca aabihii. Waxa kale oo uu ii sheegay in ay jiraan rag ay xaga hooyo ka walaalo yihiin oo aanay isku deegan ama Hayb ahayn, halkaas oo uu iiga sheekeeyey sheeko dhex martay isaga iyo walaalkii?”

Waxa kale oo mudan in aan halkan ku xuso in Mujaahid Cali Jaamac oo loo yaqaanno Guush uu isaguna boggiisa Facebook-ga qormo gaaban kaga qoray Mujaahid Siciid Cali Giir, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo innagana dhamaanteen samir iyo iimaan saadig ah ha inaga siiyo.

Dhammaad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here