Sawirkani waa Marxuum Siciid Cali Giir oo muddo 33 sano ka hor laga qaaday

0
486

Waxa maanta alla ha u naxariiste magaalada laascanod ku geeriyooday Mujaahid Siciid Cali Giir ayaa waxaan jeclaystay inaan idinla wadaago sawir taariikhi ah oo laga qaaday marxuumka xiligii uu ku gudo jiray halgankii dib u xoraynta Somaliland.

sawirka halkan ka muuqda oo ay xuquuqdiisa iska leeyihiin labada muwaadin ee Siciid Xabashi iyo Nakruuma waxa Marxuum Siciid Cali Giir laga qaaday muddo laga joogo 33 sano oo ahayd bishi 8aad (August) 1982, isagoo ku labisan dirayskii ururkii SNM oo astaantii ururkaasi ka muuqato koofiyada uu xidhanyahay kuna hubaysan gurigiisii iyo qalabkiisi kale.

Ugu danbayn waxaan bahda saxaafada iyo cid kasta oo isticmaasha sawirkan ka codsanayaa inay xuquuqdiisa siiyaan labadaa muwaadin, sababtoo ah waxay ka mid ahayd shuruudihii ay ku xidheen markii sawirkan maanta laga soo qaadayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here