Saxaafadda Togdheer iyo Maamulka Gobolka Oo Kulan Amniga Lagu Xoojinayo Wada Yeeshay

0
386

Saxaafadda Togdheer iyo Maamulka Gobolka Oo Kulan Amniga Lagu Xoojinayo Wada Yeeshay

Burco (Warsugan) Kulanka noo uu martigelintiisa laha badhasabka Togdheer aya si weyn loogu lafa guray xidhiidhka warbaahinta iyo qaybaha kala duwan ee dawladda, waxan halkaas hadalo cabasho u badna ka jeediyey xubno ka mida suxufiyinta gobolka Togdheer, kuwaas oo intooda badani sheegay in xidhiidhka warbaahinta iyo dawladda ee heer gobol weligiiba xumaa isla markaasna ay sabab u ahayd madaxda gobolka ka hawl gash oo warbahinta gobolka in gaaar ah kaga xidhanta, waxayna ballan qaadeen in xidhiidhkii hore ay wax ka bedelayaan oo ay madaxdooda kala shaqayn donaan horumarka gobolka iyo arrimaha u danta ah bulshada.

Maayar ku xigenka degmada Burco aya isaguna kula taliyey suxufiyint Burco inay iskuduubnaadaan isla markaasna ka fogaadaan wax kasta oo kala fogeynaya warbaahinta iyo bulshada gobolka isago uga mahadceliyey shaqada adage e ay hayaan iyo dedaalka ay geliyaan gobolkooda ee an cidna lacag ku siin, waxana uu si kaftaan ah xeer ilaaliyaha gobolka ugu tuuray weedho u ugu lab xaadhayo warbaahinta ” xer ilaaliye’ dacwadaha iyo kiisaska ay suxufiyiintu galaan u khafiifi, oo ti siyaasinta iyo odayaasha ha uga dhigine ka dhin waa ubad yaryaroo waynu korinaynaaaye” ayu yidhi maayar xoday.

xeer ilaaaliyaha gobolka Togdheer ayaa isaguna suxufiyinta kulankas ka qaybgalay uso jediyey inay iska ilaaliyaan wixi inkaar dhalinaya iyo habaarka dadka waaweyn si aanay u badkoodu inkaar ugu noqon, waxa uu so jediyey xeer ilaaliyuhu in weriyaasha la xidho aan mar dambe iyagon khaladkooda la taabsiin la sii deyn doonin balse la cafin doono ama la xukumi doono marka khaladkooda la tuso ee bulshada loo bandhigo iyaguna qirtaan.
Xubno kale oo masuliyin ah oo kulanka ka qaybgalay oo isugu jiray isuduwayaal iyo taliyaal ciidan aya iyaguna warbaahinta ammaanay isl amrkaasna ku dhirigeliyey shaqadooda balse kula dardarmay inay amniga aad ugala shaqeyaan maadaama haddii dhibaato dhacdo aanay iyagu ka badbaadayn dhibaatada gobolka soo gaadha.

Gabogabadii badhasabka Togdheer oo kulnaka soo afmeeray ayaa aad uga sheekeeyey dhacdooyin soo kala maray warbaahinta isagoo ugu cudur daaray suxufiyinta inta badan khaladaadka gasha inaanay aqontoodu fiicnayn oo ay u baahan yihiin tababaro aqoontooda kor loogu qaadayo, waxana uu ballanqaaday maadama uu maanta helay tirada rasmiga ah ee suxufiyinta gobolka ka hawlgasha inu kala shaqayn doono raadinta tababaaro iyo waxyaabo kobcinaya aqoonta iyo mihnadda suxufiyinta gobolka Togdheer, isago xusay inu albaabkiisu u furan yahay guud ahanba warbaahinta iyo cid kasta oo kala shaqaynaysa horumarka gobolka.

badhasabka Togdheer Maxmed Ibraahin Qabyo Tiro ayaa noqonaya badhasabkii u horeyey ee kulamo la isugu so dhoweynayo la iskuna barayo warbaahinta iyo madaxda gobolka ku qabta gobolka Togdheer, isgaoo tusaale u noqon doona badhsabada kale ee gobolada oo caqabadaha ugu badan ee horumarkooda ragaadiyey ay ka mid tahay xidhiidh la’aanta iyaga iyo warbaahinta.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/office