Saylici oo shalay ka qaybgalay Furitaanka Koobka Gobolada oo laga bilaabay Awdal iyo Togdheer
Hargeysa(Warsugannews)Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta ka qaybgalay furitaanka koobka gobolada oo maanta si wada jira uga furmay gobolada Awdal iyo Togdheer.
madaxweyne ku xigeenka oo hogaaminaaya wefti culus oo isugu jira wasiiro, xildhibaano, cuqaal, gudoomiyeyaasha gobolada qaar, iyo bulshada qaybeheeda kala duwan ayaa furitaanka ka dib waxa uu daawaday ciyaartii lagu furay koobka oo ay wada ciyaarayeen gobolka Awdal iyo Hawd iyada oo ciyaartu ku soo afmeertay 1:0 ay guushii ku raacday gobolkii loo martida ahaa ee Awdal.
ka dibna waxa weftigii madaxweyne ku xigeenku u soo caraabeen dhinaca caasimada Somaliland ee hargeysa oo ay caawa ku soo haydeen.
sidoo kale waxa gobolka togdheer ka furmay wejigii labaad ee koobka gobolada oo sanadkan loo kala qaybiyey laba group, waxaana ciyaartii furitaanka lagu furay Togdheer iyo Daadmadheedh waxaana gushii 1:0 ku raacday Daadmadheedh.