Shacabka Gobolka Gabiley oo Taageerada KULMIYE ugu Quus-gooyey Xisbiyada Mucaaradka ah +SAWIRO

0
981
????????????????????????????????????

Shacabka Gobolka Gabiley oo Taageerada KULMIYE ugu Quus-gooyey Xisbiyada Mucaaradka ah
Kumanaan qof oo soo dhawayn ay u adeegsadeen Fardo, gaadiid, ubax, caleemo-qoyan ku qaabilay weftiga Guddoomiyaha KULMIYE + nuxurka khudbad murrashax Muuse Biixi u jeediyey reer Gabiley

Gabiley (WARSUGANNEWS)- Shacabka Gobolka Gabiley, ayaa baaxadda taageerada ay u hayaan xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE ugu quus-gooyey xisbiyada mucaaradka ah ee quud-darradu ka haysay.

Bulshada ku dhaqan degmooyinka Arabsiyo iyo Gabiley ee Gobolka Gabiley, ayaa soo dhawayn aan hore loo arag ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo socdaal la xidhiidha wacyigelinta diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Somaliland ku tagay halkaasi maanta, taas oo hawsha lagu fulinayaa ka socoto deegaamada hoosyimaada muddo ku dhaw toddobaad.

Weftiga oo ka kooban hoggaanka xisbiga, xubno wasiirro ka tirsan xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, xildhibaanno ka tirsan Baarlamanka, madax iyo saraakiil kale oo ku jira xisbiga, ayaa la kulmay soo dhawayn miisaan culus ah oo ay qaybqaateen tobanaan kun oo qof oo waayeel iyo dhallinyaro aan loo kala hadhin oo taxnaa inta u dhaxaysa deegaanka Caabudla iyo Carro-yaanbo ee degmada Arabsiyo ilaa gudaha magaalada Gabiley ee xarunta Gobolka.

Masuuliyiinta weftiga oo markii ay gaadheen duleedka magaalada Arabsiyo ay ka hortageen mowjado dadweyne soo dhawayn iyo taageero la barbar-istaagay, kuwaas oo Guddoomiyaha KULMIYE iyo madaxda wehelinaysay ay la lugeeyeen ilaa badhtamaha magaalada oo lagu qabtay xaflad loo asteeyey qadarinta weftiga, halkaas oo masuuliyiinta, odayaasha iyo waxgaradka ku dhaqani hadallo soo dhawayn ah ka jeediyeen.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha Dr. Maxamed Aw Daahir, Afhayeenka xisbiga KULMIYE Xasan Gaafaadhi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradaha Boosaha iyo Isgaadhsiinta Faysal Cali Sheekh, ayaa ka mahadceliyey taageerada reer Arabsiya u muujiyeen weftiga Guddoomiyaha KULMIYE.

Sidoo kale, dadweynaha reer Gabiley oo ay weheliyaan masuuliyiinta heer gobol iyo degmo, ayaa masaafo ilaa 10KM dhanka bari uga baxsan magaaladaasi kaga hortagay weftiga KULMIYE ee uu horkacayo Mujaahid Muuse Biixi, kuwaas oo fardo kooraysan, gaadiidka noocyadiisa kala duwan, roogag casas, ubaxyo, caleemo-qoyan iyo calanka xisbiga ku muujiyey baaxadda taageerada uu xisbigu ku leeyahay Gobolka Gabiley, isagoo guddoomiye Muuse Biixi fuulay oo kaxeeyey baabuur Cagaf ah oo ka mid ah noocyada loo adeegsado wax-soo-saarka beeraha Gobolka Gabiley caanka ku yahay, iyagoo kumanaanka qof ee soo dhawaynta ka qaybqaadanayey ay murrashaxa madaxweynaha iyo madaxda weftiga KULMIYE la qaateen socod lug ah oo aanay u kala hadhin dhammaan shacabka ku dhaqan magaalada oo daba socday ilaa fagaaraha Khayriyadda Gabiley, halkaasi oo ay buuxdhaafiyeen kumanaan ka mid ah taageerayaasha KULMIYE ee gobolka oo ku dhawaaqayey erayo soo dhawayn ah, isla markaana lulayey ama ku lebbisnaa calanka bilicda soo jiidashada leh ee xisbiga.

Madaxdhaqeed u badan cuqaasha ugu miisaanka culus ee Gabiley, odayaal, waxgarad, siyaasiyiin, haween iyo dhallinyaro ka soo jeeda gobolka, ayaa ka jeediyey faraagaha Khayriyadda hadallo ku salaysan soo dhawaynta weftiga KULMIYE, waxaanay u ballanqaadeen inay si buuxda u taabacsan yihiin xisbal-xaakimka iyo murrashaxiisa jagada Madaxweynaha Md. Muuse Biixi Cabdi oo tilmaameen taariikhdiisa iyo xidhiidhka ka dhexeeya Gobolka iyo sida uu ugu qalmo in loo doorto kursiga ugu sarreeya talada waddanka doorashada soo socota ee la filayo inay qabsoonto horraanta 2017.

Maayarka Degmada Gabiley Md. Maxamed-aamiin Cumar Cabdi iyo Badhasaabka Gobolka Md. Xamse Maxamed Cabdillaahi, ayaa si isku mid ah erayo qalbi-furnaan iyo qaabilaad ah ku soo dhaweeyey, waxaanay shacabkooda uga mahadceliyeen sida milgaha iyo sharafta leh ee ay u martigaliyeen madaxda weftiga KULMIYE, iyagoo iftiimiyey taariikhda xisbigani ku leeyahay Gabiley.

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ka dareen-celiyey soo dhawaynta ay ku dheehantahay maamuuska iyo xisbinimada ee reer Gabiley u sameeyeen.

Waxa kaloo uu ku dhiirrigeliyey reer Gabiley inay is diiwaangeliyaan, waxaannu yidhi, “Waxa keliya ee ina horyaala ee aannu u soconnaa waa ha la is-diiwaangeliyo. Qolada diiwaangelinta nashuushadaynaysaa waa qolyaha is leh Gabiley cod ka helimaysaan ee codkeedu ha yaraado.”

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay taariikhda Gabiley oo uu xusay inay tahay goob ku suntan wanaagga Somaliland, waxaannu ka warramay hayaanka horumarka Somaliland u baahan yahay, “Reer Gabileyow anigoo ka wakiil ah weftiga xisbiga waxaannu idin leenahay salaantu way caddahay, soo dhawayntu way sugantahay, ciyaartuna way caddahay oo waatii uu sheegay Timo-cadde.
Gabiley halganka ayey hiddo u lahayd, horseedka dhaqaalaha ayey hiddo u lahayd oo waa dad tabca, aqoonta iyo ilbaxnimada ayey horseed ka tahay, intaas oo dhan baa laga rabaa Somaliland oo dhan in aynu gaadhsiinno oo horseed ka noqoto, Gabiley waxa laga rabaa aqoonteedu inay gaadho bari iyo galbeed oo dalka dhibaatooyinka ka jira ee shaqo la’aanta, abaaraha soo noqnoqonaya iyo horumarinta dalkaba ay horseed ka noqoto, Waxaynu nahay KULMIYE oo waxaynu ku midownay horumarinta Qarankeenna, waxaynu ku midownay in ay Somaliland mid ahaato, waxaynu ku midownay oo horumarka ku gaadhi karnaa in aynu ka baxno qoqobnaanta iyo jees-jeeska oo aynaan hore u lahayn,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Waxa kaloo uu madmadowga ka saaray gobolnimada Gabiley, waxaannu yidhi, “Yaa yidhi Gabiley baa cid la raaciyey, yaa yidhi Gabiley Gobol maaha? Gabiley waa gobol oo way ahayd, waanay ahaan doontaa oo shaki ma leh.”
Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu si adag ugula dardaarmay reer Gabiley inay si buuxda uga qaybgalaan diiwaangelinta codbixiyayaasha, “Qof reer Gabiley ah oo dardaarankii Tima-cadde diidani ma jiraa? Wuxuu yidhi ‘daakhiliyow waadigii lahaa dad ma joogee horta daad ma ku qaaday,’ markaa maanta daadkii baan ka rabaa diiwaangelintaa inuu run noqdo, codsi maaha ee waa farriin laga sido suugaantii iyo dhaxalkii Tima-cadde,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha, ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi.

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_3890

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

DSC_3723

DSC_3680

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????

10628011_548741448640300_6882379115842101045_n