“Shacabka Reer Somaliland In Si Macno La’aan Maalin Walba Uugu Dhintaan Kaymaha Magaalada Hareeraheeda Cidna Ka Yeeli Mayno” Wasiir Waran Cadde

0
605

“Shacabka Reer Somaliland In Si Macno La’aan Maalin Walba Uugu Dhintaan Kaymaha Magaalada Hareeraheeda Cidna Ka Yeeli Mayno” Wasiir Waran Cadde

Laascaanood(Warsugannews)- Waftidii balaadhnay ee uu hogaaminayey wasiirka wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Cali Maxamed Waran Cadde ayaa saaka Aroornimadii Gaadhay Xarunta Gobolka Sool Ee Laascaanood Halkaasi oo waftida wasiirka ay kusoo dhaweeyeen Badhasaabka Gobolka Sool Mustafe Shiine Iyo Maamulka Gobolkaasi.

Waftidan uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Ayaa Maalmahanba Safaro kala duwan oo Ay ku suganayaan amaanka Dalka iyo xalinta khilaafaadka ku joogay Gobolka Togdheer.

Badhasaabka Gobolka Sool oo ugu horeyn la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shaqaaqadii shalay ay ka dhacday miyiga oo laysla tagay gobolkana ay ku hayaan cudud ciidan oo hada ciidanka qaranku ku sugan yahay wax danbana aanay ka dhicin

Wasiirka Arrimaha Gudaha Oo Markii Uu Magaalada Laascaanood uu Soo Gaadhay dhankiisa La Hadlay Warbaahinta ayaa Sheegay In cidii wanaaga iyo wada xaajoodka diida ay gacan wax kaga qabanayaan waxaana hadaladiisii kamid ahaa “ilaahaybaa Mahada leh waxaaniu saaka soo gaadhnay gobolka sool magaalada laascaanood sidaa badhasaabku sheegay waxaa runtii ka dhacay waxyaalo naxdin leh oo aan runtii loo baahnayn, ka dawlad ahaana waxaanu jecelahay inaanu wax ka qabano wixii nagaga aadan run ahaana waxaanu shacabka u sheegaynaa inaanu gacan wax kaga qaban doono cidii u hogaansami weyda awaamiirta qaranka oo cudud ciidan u adeegsan doono dabkana la saari doono markaa wixii gaadhay cid walbaaba iyadaa is eersan doonta”

Wasiirku sidoo kale isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu u bahadnaqay guurtida sulaadiin iyo waxgaradka dhexdhexaadinta hore uga waday goobtaasi. Waxaana wasiirka arrimaha guduhu si nabad galyo leh u dhex luguuyey waddooyinka waaweyn ee magaalada laascaanood,