Shacbiga Xaafadda Guul-Alla (Boqol-Jire) Oo Maayarka Caasimada Ku Hambalyeeyey Dhismaha Laamiga Uu Ka Hirgeliyey Xafaddaasi, Iyagoo Fariina U Diray Madaxweyne Muuse Biixi

0
602

Shacbiga Xaafadda Guul-Alla (Boqol-Jire) Oo Maayarka Caasimada Ku Hambalyeeyey Dhismaha Laamiga Uu Ka Hirgeliyey Xafaddaasi, Iyagoo Fariina U Diray Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa(WARSUGAN)shacbiga ku dhaqan xaafadda Guul-Alla (Boqol-Jire) iyo guddida xaafadaasi waxay mahadnaq aan la soo koobi karin hawada u marinayaan maayarka Caasimada Somaliland ee Hargeysa, Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo isagu noqday maayarkii u horeeyey taariikhda u galay xaafadaasi isagoo ka hirgeliyey hoosna u eegay baahiyihii ka jiray xaafada qaybtii isaga ka khusaysay oo ahayd in ay xaafadaasi oo ah mid balaadhan inay hesho waddo laami ah oo dadka degani aad ugu baahnaayeen.

Maayar Soltelco waxa uu si hagar la’aan ah uga jawaabay baahi balaadhan oo ay dadweynaha ku dhaqan xaafadaasi u gudbiyeen maayarka caasimada, isagoo maayarku tiraba dhawr jeer dadweynaha iyo guddida xaafada la kulmay, ka dhegeystay baahiyahooda oo uu markii danbe ka garaabay balana ku qaaday inuu ka dhabayn doono waxay ka codsadeen waanu ka badheeyey runtii oo maanta xaafaddu waxay inta la ogyahay taariikhda ay yeelatay markii u horaysay waddo laami ah oo weliba ah nooca ugu wanaagsan ee loo yaqaan rooga, taasi oo xaafadda ka dhigtay mid la jaanqaada xaafadaha caasimada, ka guddi ahaan iyo ka dadweyne ahaana waxay maayarka uga mahadnaqayaan sida sharafta iyo karaamada leh ee uu uga dhabeeyey balanqaadkiisi iyo codsigii dadweynaha.

Sidoo kale waxay shacbiga iyo guddida ku dhaqan xaafaddaasi Guul-Alla (Boqol-Jire) baaq iyo fariin u dirayaan madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md Muuse Biixi Cabdi, iyagoo ka codsanaya madaxweynaha una soo bandhigaya baahiya ka jira xaafada, inuu hoo su eego oo uu ku darsado qorshihiisa waxqabad ee 120 ka cisho ee u horeeya, waxaanay kala yihiin baahiyaha xaafadda ka jiraa sidan:-

1. Mudane Madaxweyne Xaafadan oo ah mid balaadhan ma laha haba-yaratee wax adeeg caafimaad ah kolay ku tahay Pharmacy-na iska daa MCH eh.

2. Mudane Madaxweyne Xaafadan oo ah mid muhiim u ah caasimada afkana ku haysa dooxa weyn ee caasimada Mara ma laha goob bilays 24ka saacadoodna ku arki maysid Askari dhex maraya, waxaana jira arrimo badan oo nabadgelyada waxyeela oo xaafadaadi ay iyagu hortaagan tahay una soo gudbiso ciidamada Booliska Somaliland, taasi oo lagaga hortegi karo uun in xaafaddu yeelato xarun boolis ama saldhig.

3. Mudane Madaxweyne Xaafaddu iyadoo ah mid baladhkeeda iyo baaxdeeda leh, hadana ma laha garoon ay caruurtu ku ciyaarto noocuu doonaba ha ahaadee.

4. Mudane Madaxweyne Xaafaddu ma laha Goob waxbarasho oo dawli ah iyadoo dadka degani ay yihiin dad dhaqaale ahaan hooseeya oon awoodin inay ubadkooda ku daraan dugsiyada gaarka ah ee weliba qiimahoodu sareeyo, taasi oo ay ka dhalan karaan caruur gaan-gis ah oo dadka dhibaateeya hadaan la iska jahayn oon loo samayn arrimaha aanu ku soo gudbinay.

Madaxweyne baahiyaha xaafadu way badan yihiin balse waxa aanu ku soo qodobaynay uun intii ugu muhiimsanayd ama mudnaa in loogu horaysiiyo loona kala qaado siday u kala sareeyaan ooda dhacameed, mudane madaxweyne ku odhan mayno waanu ku codaynay oo waxa aanu boqolkiiba 100% ku siinay codkii xaafadda waayo maanta waxad tahay madaxweyne qaran ee ma tihid madaxweyne ka soo baxay goobo gaara, sidaa awgeed mudane Madaxweyne waxa aanu kaa codsanaynaa ka guddi ahaan iyo ka shacbi ahaanba inaad codsigaasi noo tixgeliso oo aad noo amarto cida ay khusayso baahidaa kor ku xusani

Waxa xusid oo gudidu u mahadnaqaysaa cid kasta oo qayb ka qaadatay arrintaasi gaar ahaan shacbiga xaafadda oo 50% ka qaatay dhismaha wadadan

Wa-bilaahi tawfiiq