Sheekh Aadan Siiro “Dalkii Waxaa Helay Casaabad Madaxtooyada Joogta Iyo Casaabad Suuqa Joogta(Ganacsato)

0
334

Sheekh Aadan Siiro “Dalkii Waxaa Helay Casaabad Madaxtooyada Joogta Iyo Casaabad Suuqa Joogta(Ganacsato).. “ Maahmaaha Soomaalida Ay Leedahay Waxaa La Yidhi Bari Baa Nin Yara Xanuunsaday…”

Hargeysa(Ramaas)Sheekh Aadan Siiro, ayaa khudbadiisii jimcaha kaga hadlay arrimo ka mid yihiin Iibinta xaruntii waxbarashada dadban ee Haweenka(Women’ Club), dhacdadii ka dhacday jidadka isku xidha Hargeysa iyo Sheekh iyo culaysta ay leeyihiin xilalka dawladdu marka la eegayo diinta Islamka.

“Waxaynu si kooban uga hadli doonaa waxa lagu magacaabo Masuuliyadda. Waxaynu ognahay todobaadkii tagay laba dhacdo oo aad u adag oo ka dhacay Berbera agagaarkeeda, oo midi Sheekh ay ka dhacday, midna dhinacan galbeedka Berbera ay ka dhacday. Waxaynu ognahay dhacdooyinkii aan quruxda badnayn ee ka dhacay Boorama intii ciyaaruhu ay socdeen iyo marar ka horaysayba. Waxaynu u taaganahay iyadoo Hargeysa badhtankeeda la iibiyey dhismayaashii taariikhda lahaa ee umaddu ku faani jirtay ee dumarkeena boqolaal iyo kumaankum ay ka baxeen ee Women’s club-ka la odhan jiray ee reer Hargeysa oo dhammi ku garaadaysteen. Arrimaha noocaas ah markaad isku gayso ee taariikh badan oo aynu soo maray la eego waxa kuu soo baxaysa marka talada cid soo dhex gasho doonaysa inay dadka furfurta, waxa muuqata ifafaalihii lagu doonayay Somaliland inay furfuranto,” ayuu yidhi Sheekh Siiro

Sheekha ayaa isagoo sii hadlaya yidhi “ Women’s club-ka la iibiyay, dalkii waxaa helay casaabado.casaabad madaxtooyada fadhida oo iyadu tirooyinka xisaabisa, maxaa halkaas iga soo galaya? Maxaa caruurtayda ka soo galaya? Maxaa kuwa aanu isku xidhannahay ka soo galaya? Iyo casaabad kale oo suuqa jooga oo wixii Illaahay siiyay ee xalaasha ahaa ama Aabihii uga tagay ee la dhididay ee xalaasha ahaa iyagu ku xaaraantinimaynaya inay habeenkii ula gurguurtaan kuwaynu ka hadlayno(Madaxtooyada),”

Wuxuu sidoo kale sheekhu ka hadlay Wariye Sakaaro oo Burco dhawaan lagu weeraray “Burco maanta nin baa lagu garaacay oo hebel buu wax ka sheegay, Inan yar oo saxafi ah oo miskeen ah dhulka loogu tuuray. Yacnii nabadgalyadii halkaasay maraysaa, hebel buu wax ka sheegay, hebel buu taabtay, taasina waa ifafaalaha Kalitaliyeyaasha iyo dadka ay ku shaqaystaan markay samaysmaan. Markay dadka kala dirayaan ee ay ka dhammaystaan waxay rabeen ayay yidhaahdaan yaanay waxba idinka dambeynin, markaasay keenan inay dadka qayb qaybiyaan, markaasay keenan dadka inay dhabarka ka wada taabtaan, markaasay keenan inay dadka midba wax u sheegaan si dadku isugu meeraysto,” ayuu yidhi Sheekh.

Sheekh Aadan Siiro oo cabiraya xaaladda Somaliland wuxuu ku hogotusaaleeyay dhacdo nin maskaxda ka jirrani sameeyay “ Maahmaaha Soomaalida ay leedahay waxaa la yidhi bari baa nin yara xanuunsaday, dabeedna wuu ladnaaday. Waxa loo dhiibay Konton Awr, markii uu soo dhaamiyay isagoon reerkii soo gaadhin ayuu Boolkii barigii hore yara dabcay( Ninkii Xanuunkii ku soo noqday) dabeedna Awrkii ugu horeeyay ayuu hogaankiisii dabada ugu xidhay Awrkii ugu dambeeyay. Waa konton Awr, markaasay awrtii sidaas isugu meeraysatay, dabeed intuu halkaas fadhiistay ayuu isagii yaabay markay awrtii isku meeraysatay, markaasuu yidhi Illaahayow farash u bixi waad arkaysaaye. Maanta madaxii baa la iskugu keen wada xidhay Illaahayow farash u bixi ayay maanta maraysaa,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Siiro.

Xigasho Ramaasnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here