shir ay yeesheen Hoggaanka Xisbiga WADDANI maanta oo taariikhdu tahay 26 December 2016, ay ku go’aamiyeen in lagaa qaado Xilkii Ku-xigeenka Xoghayaha Siyaasadda iyo Xubinnimadii Xisbiga WADDANI Maxamed Abiib Yuusuf

0
336

shir ay yeesheen Hoggaanka Xisbiga WADDANI maanta oo taariikhdu tahay 26 December 2016, ay ku go’aamiyeen in lagaa qaado Xilkii Ku-xigeenka Xoghayaha Siyaasadda iyo Xubinnimadii Xisbiga WADDANI Maxamed Abiib Yuusuf

REF/XIS/WAD/XDH/2400/2016 26ka December, 2016

KU: Maxamed Abiib Yuusuf Hargeysa
OG: Guddoomiyeyaasha Gobollada ee Xisbiga WADDANI Rugtooda
OG: Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Hoggaanka Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Hargeysa
OG: Guddoomiyaha-ku-meelgaadhka ah ee Xisbga WADDANI Hargeysa
OG: Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Hargeysa

Ujeeddo: Xilka Qaadis
Mudane Maxamed,
Tix-raac warqadda digniinta ah ee summadeedu tahay REF/XIS/WAD/XDH/2325/2016 kuna taariikhaysnayd July 5, 2016.

Tix-raac Asbaabaha lagu waayo Xilka iyo Xubinnimada Xisbgia WADDANI sida ku cad Qodobka 10aad faqradihiisa 1aad iyo 2aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI.

Tix-raac Anshax-marinta Xubinta ku gefta Xeerka Xisbiga sida ku cad Qodobka 43aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI.

Waxa shir ay yeesheen Hoggaanka Xisbiga WADDANI maanta oo taariikhdu tahay 26 December 2016, ay ku go’aamiyeen in lagaa qaado Xilkii Ku-xigeenka Xoghayaha Siyaasadda iyo Xubinnimadii Xisbiga WADDANI.

• Kadib markaad ku gaftay Xeerka Xisbiga WADDANI.
• Kadib markaad caddaysatay inaad ka mid tahay wax loogu yeedhay garab oo sharcidarro ah.
• Kadib markaad si cad uga hor-timid Mabaa’diida iyo Siyaasadda Xisbiga WADDANI.
• Kadib markaad faafisay dacaayado ka dhan ah Xisbiga WADDANI.
• Kadib markaad ka hor-timid go’aamadii Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI.
• Kadib markii aad meel kaga dhacday waajibaadka saaran xubinta ka tirsan Xisbiga, sida ku cad Qodobka 9aad faqradihiisa 1aad. 2aad. 3aad, 4aad, 5aad, 6aad, 7aad, 8aad iyo 9aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI.

ALLAA MAHAD LEH

______________________________
Md. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde
Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI