SHIR SANNADEEDKA 3AAD EE QURBAJOOGGA SOMALILAND

0
1211

SHIR SANNADEEDKA 3AAD EE QURBAJOOGGA SOMALILAND
Hargeysa(Warsugannews)Halku-dhegga: “Waayaha Qurbaha & Wadciga Dalka (Experiences of the Diaspora & the Situation at Home)”
2-3 August, 2016, Maansoor Hotel, Hargeisa.
Deadline for registration: 27th July, 2016
Wakaaladda Qurbajoogga JSL iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL waxay qabanqaabinaysaa qabashada Shir Sannadeedka 3aad ee Qurbajoogga Somaliland oo loo qorsheeyay inuu ku qabsoomo 2-3 August, 2016, Maansoor Hotel ee magaalada Hargeisa haddii Alle idmo.
Shirka oo sannadkan halku dheggiisu yahay “Waayaha Qurbaha & Wadciga Dalka” ayaa loogu talo galay inay ka soo qaybgalayaan ku dhawaad 300 ergay oo ka kala socda aqoonyahanka jaalliyadaha Somaliland ee wadamada caalamka ee kala duwan, maalgashadayaasha iyo ganacsatada qurbajoogga iyo qaran jooggaba, hay’adaha taageera ganacsiga, xirfadleyaasha qurbajoogga iyo waxgaradka, khubarada xagga waxbarashada, bahda dhaqanka iyo kooxo ka kala socda waaxda gaarka ah iyo wasaarado kala duwan.
Waxa lagaga hadli doonaa mawduucyo kala duwan oo ay ka midyihiin:-
1. Dhiirrigelinta maalgashiga dalka ee qurbajoogga iyadoo la horumariyo shuruucda taageeraysa, nidaamka bangiyada, caymiska iwm, lana dhiso kalsoonida qurbajoogga dalka;
2. Caqabadaha ka horyimaada maalgashiga iyo ka qaybgalka horumarka qaranka ee qurbajoogga;
3. Midaynta waxwada qabsiga iyo iskaashiga qurbajoogga;
4. Ka faaiidaysiga khayraadka aqooneed , khibradaha shaqo iyo waaya aragnimada xirfadleyaasha qurbajoogga ah ;
5. Doorka qurbajoogga ee siyaasadda dibadda iyo dadaalka ictiraaf raadinta;
6. Adeegyada loo fidiyo qurbajoogga, fursadaha dalxiis ee dalka, adeegyada waxbarashada, caafimaadka iyo maamullidda kayd xogeedka qurbajoogga;
7. Astaynta maalin qaran oo qurbajooggu leeyahay iyo sida looga faaiidaysanayo (Marking the Somaliland National Diaspora Day);
Wakaaladda Qurbajooggu waxay ugu baaqaysa ka soo qaybgalayaasha jecel inay mawduucyadan sare ama qaar ku dhaw isla ujeedadan (Research papers) waxka soo qoraan inaanay soo gudbintoodu ka dambayn 27th bishan July una gudbiyaan Email-ka kamaldin.abdullahi@gmail.com
Luuqadda Shirka (The Conference Language):
Wakaaladda Qurbajoogga Somaliland waxay dhiirrigelinaysaa isticmaalka luuqadda afka hooyo ee soomaaliga, waxana sidaa awgeed luuqadda shirka 100% laga dhigay afsoomaali. Waxa lagu adkaynayaa ka soo qaybgalayaasha jecel inay mawduucyadan sare ama qaar ku dhaw waxka soo qoraan inay ku soo qoraan afsoomaali.
Dadka haya fikradaha ganacsi:
Waxa lagu wargelinaya dadka haya afkaarta ganacsi (Business ideas and proposals) in loo oggolyahay inay afkaartooda ku soo bandhigaan shirkan kadib marka ay Gudida Qabanqaabada Shirku aragto.
Diwaangelinta ka soo Qaybgalayaasha Shirka (Registration process and the selection):
Diwaangelinta ka soo qaybgelayaasha shirku waxay ka socotaa Xafiiska Wakaaladda Qurbajoogga ee Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ee Hargeysa.
Waxa la ogaysiinayaa dhammaan xubnaha qurbajoogga ah ee jecel inay ka soo qaybgalaan inay soo qaataan aqoonsigooda labaad ee dalka shisheeye ee martigeliyay (Foreign ID) si loo aqoonsado, waxanay ku egtahay is diwaangelintu 27th July, 2016 (Deadline for registration).
Sidoo kale, waxa la tixgelinayaa ka soo qaybgalayaasha qurbajoogga ah ee ka imanaya dalka dibaddiisa oo la diwaangelin doono marka ay soo xaqiijiyaan ka soo qaybgalkooda.
Waxa loo eegi doonaa xubnaha soo codsanaya ka qaybgalka shirkan, shuruudo (Criteria) ay Gudida Qabanqaabada Shirku u dejiyeen xulista ka soo qaybgalayaasha oo ciddii waafaqda uun laga aqbali doono codsigooda sidan soo socota:-
1. Dadka aqoonyahanka ah, xirfadleyaasha iyo waxgaradka (Professionals and intellectuals);
2. Maalgashayaasha iyo dhinacyada taageera ganacsiga (Investors, catalysts and business support organizations);
3. Hay’adaha horumarineed ee heer qaran iyo kuwa caalamiga ahba (National and international development partners) iyo
4. Dadka saamaynta leh, dadka firfircoonida ku sifoobay, culimada, bahda dhaqanka iyo khubarada waxbarashada (Influential personalities, activists, faith leaders, cultural icons, educationalists)

Gudida Qabanqaabada Shirka (The Organizers):
Wakaaladda Qurbajooggu waxay u xilsaartay xubno guddi aqoonyahan qurbajoog ah oo kala shaqaynaya qorshaynta, qabanqaabada iyo maamulka shirkan, waxana ka mid ah:
1. Mr. Kamaldin Abdillahi, Guddoomiye
2. Mr. Farah Abokor Khaireh, Xubin
3. Ms. Ayan Osman, Xubin
4. Mr. Ali Egeh Du’ale, Xubin
5. Mr. Ahmed Hussein Abbi, Xubin
6. Mr. Ali Aden Ahmed (Ali Haruuri), Xubin
7. Ms. Sahra Mohamed Abdi (Sahra-warabe), Xubin
8. Mr. Abdirashid Barkhad, Xubin
9. Khadra Ali, Xubin

Faahfaahin dheeraad ah kala xidhiidh, Tel: 063-4081527, 0633679686, 063-3870396
Email: sldiasporaagency@gmail.com, kamaldin.abdullahi@gmail.com
Contact Fatima Mohamed for your registration, Tel: 063-3870396

KA SOO QAYBGAL WACAN
Your participation is important for us.