Shirkada DP World oo Kormeertay Dekeda Berbera lana dhacday sida uu u maamulay Maareeye Cali Xoor-xoor

0
344

Shirkada DP World oo Kormeertay Dekeda Berbera lana dhacday sida uu u maamulay Maareeye Cali Xoor-xoor
Shirkada DP World oo Kormeertay Dekeda Berbera, Maareeye Cali Xoor Xoorna, ku Amaantay Maamulka iyo Kartida uu ku hogaamiyey Dekeda Berbera, mudadii uu gacanta ku hayey.

Berbera(Warsugannews) maanta (Shalay) waxa gegida diyaaradaha ee Berbera Airport ka ka soo degay wefti balaadhan oo ka socday shirkadii caalamiga ahayd ee heshiiska la saxeexatay Xukuumada Somaliland ee lagu magacaabo Dubai Ports World oo socdaal xaqiiqo raadis ah ku timid Marsada berbera.
Markii ay soo gaadheen dalka waxa soo dhaweeyey wefti miisaan leh oo xukuumada ka socday oo uu ka mid ahaa maareeyaha dekeda berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), oo kormeer ku soo mariyey guud ahaan dekeda, kuna qaabiley Xafiiskiisa, xog waran iyo taariikh dheerna uga sheekeeyey weftiga, taas oo ay ka mid ahayd marxaladihii ay soo martay dekedu iyo halka ay ku sugan tahay wakhtigan, iyo halka laga rajaynayo inay DPW gaadhsiiso dekedan qadiimiga ah ee gacanka Carbeed mar u ahaan jirtay xudun dhaqan dhaqaale.
Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) Maareeyaha Dekeda Berbera oo ay hadaladiisa ka mid ahaayeen“Halkan waxaa ila jooga agaasimaha guud ee Shirkadaasi Sultan Ahmed Bin Sulayem oo shirkadan ugu sareeya dubai-na saddex, afar jeer isku aragnay ama aanu ku kulanay barnaamijkii horumarinta dekedan Berbera ee aynu ka hadalaynay, ayey maanta (Shalay) u yimaadeen inay indhahooda ku arkaan dekeda Berbera, markaa wada hadalkii wuu noo socdaa maanta waxa aanu tusnay waxay xoojinaysaa halka aanu ka taaganahay wada hadalka, iyo horumarka aanu doonayno in isagana shakiga laga saaro, somaliland waxay doonaysaa inay waxa ugu buuran oo ah horumar inay ka hesho, Inaaraadka ama Shirkadan”

Agaasimaha shirkada oo ka hadlay kormeerkii ay ku sameeyeen dekeda caalamiga ee Berbera iyo qaybeheeda kala duwan, waxa uu si gaara u amaanay masuuliyiinta iyo shaqaalaha dekeda Berbera, isagoo si gaarana farta ugu fiiqay Maareeyaha dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), oo uu ku sifeeyey nin aqoon dheer u leh dekeda uu maamulaha ka yahay, kuna haboon shaqadiisa, isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi ”waxa aanu soo kormeernay dekeda iyo qaybeheeda waxa aanu ku soo aragnay shaqo wanaagsan, inay meel wanaagsan ku taallo, dadka maamulayaana ay yihiin kuwii ku haboonaa shaqadaasi. Waxa kale oo aanu soo aragnay deked ku taalla meel istaraatiiji ah, oo ah dekedii aanu rabnay in aanu la macaamilno, oo maalgelino ka shirkada ahaan, run ahaan waa wax lagu farxo inaad hesho deked la mida tan Berbera oo kale”.
DSC_1945

DSC_1966

DSC_2104

DSC_2110

DSC_2143

DSC_2160

DSC_2183