Shirkii Khamiista ee Golaha Wasiirada JSL Oo lagu Ansixiyeen Dakhliga Miisaaniyadda 2017-ka + Sawiro iyo Video

0
448

 

Shirkii Khamiista ee Golaha Wasiirada JSL Oo lagu  Ansixiyeen Dakhliga Miisaaniyadda 2017-ka  + Sawiro iyo Video

WAR-SAXAAFADEED:22 /12/2016 (WSN) Shirkii Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ee Khamiislaha ahaa tirsigiisuna yahay 210 oo uu gudoominaayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa dood-dheer iyo falanqayn ka dib waxay xubnaha golaha wasiiradu duuduub ku ansixiyeen Dakhliga Miisaaniyadda Sannadka 2017-ka, oo golaha la horkeenay maanta kana koobnayd2,175,104,355,662 oo shilin Somaliland ah una dhiganta doolar ahaan $ 362,517,393.

Xubnaha golaha wasiirada ee fadhiyey shirkaasi oo dhammaan u gacan taagay meel marinta miisaaniyada, may jirin cid ka aamustay iyo cid diiday toona, waxaana sidaasi loogu gudbindoonaa miisaaniyada sanadka 2017-ka golaha wakiilada Somaliland oo iyagu ka gudan doona waajibaadkooda.

Miisaaniyaddani waa Miisaaniyaddii 25aad ee qarankan Jamhuuriyadda Somaliland yeesho,waxayna Miisaaniyaddani ka badan tahay Miisaaniyaddii sanadkii hore ee 2016. Boqolkiiba 27.5%.

Dakhliga Miisaaniyadda 2017 oo u dhignayd sidan:

No Hay’ada SLSH Dollar
1 Dawladda Dhexe 1,553,204,022,280 258,867,337
2 Hay’adaha Madaxa-banaan 303,338,532,125 50,556,422
3 Dawladaha Hoose 208,570,347,257 34,761,725
4 Dakhliga Deeqaha Caalamiga ah 97,268,562,000 16,211,427
5 Dakhliga Mashruuca Maamul Daadejinta 12,722,892,000 2,120,482
  Grand Total 2,175,104,355,662 362,517,393

<iframe width=”640″ height=”360″ src=”https://www.youtube.com/embed/6bz2Usmb7lY?rel=0″ frameborder=”0″ allowfullscreen></iframe>

 

????????????????????????????????????

ALLAA MAHAD LEH

    Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.