Shirkii Ugu Weynaa Ee Somaliland Iyo Itoobiya Kaga Arinsadaan Ammaankooda Oo Diridhaba Ka Furmay.+Sawiro

0
684

Shirkii Ugu Weynaa Ee Somaliland Iyo Itoobiya Kaga Arinsadaan Ammaankooda Oo Diridhaba Ka Furmay.+Sawiro

Diridhaba(warsugannews) Shir siweyn looso agaasimay oo ku saabsan iskaashiga arrinaha nabadgelyada iyo xoojinta sidii looga wada shaqayn laha, ayaa uga firmay labada waddan ee Somaliland iyo Itoobiya Magaalada Diridhaba.

Shirkan waxaa dhinaca Jamhuuriyadda Somaliland, uga qayb galaayay Laamaha ammaanka iyo Masuuliyiin xilal culus haya, waxaana kamid ah Taliyaasha Ciidamadda Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiir ku-xigeenka arrimaha debadda, Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya, Badhasaabada Gobolada, Maroodijeex, Gabilay, Togdheer, Sool Iyo Awdal.
Dhinaca Dalka Itoobiya madaxda shirkaas uga qaybgashay ayay kamid ahaayeen, Wasiirka arrimaha debadda ee Fadaraalka Itoobiya, Wasiirka arrimaha gudaha, Madaxweynaha Dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya, taliyaal ka socda laamaha ammaanka.

11014649_10153119373083837_6564840751374276248_n

12002129_10153119373278837_529526543478393689_n

12036808_10153119373018837_3498263227354661810_n

image154

image155

image156

image157

image158

image160

image161

image163
Shirkan oo ah kii ugu balaadhna ee labada dal ku yeeshaan gudaha dalka Itoobiya, waxaa lagaga hadlaaya xaalada ammaanka ee labada wadan oo xuduud dheer wadaaga, taas oo labada waddan meesha kaga saarayaan wixii khatar ku ah nabadgelyada.
Waxaa la filayaa inay shirkan ka soo baxaan qodobo dhaxal gal u noqon doona mustaqbalka ammaan ee labada waddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here