Shixnado Bac-miikooyin Ah Oo sifo Kootarabaan Ah Looga Soo Tallaabiyey Xuduudka Somaliland ay La wadaagto Djibouti Iyo Xamuulkii U Horreeyey Oo Ku Sugan Garbo-dadar

0
617

Shixnado Bac-miikooyin Ah Oo sifo Kootarabaan Ah Looga Soo Tallaabiyey Xuduudka Somaliland ay La wadaagto Djibouti Iyo Xamuulkii U Horreeyey Oo Ku Sugan Garbo-dadar

Garbo-dadar (WSN)- Warar Xogogaal ah oo wargeyska HUBAAL Kasoo Gaadhaya deegaannada galbeedka Somaliland gaar ahaanna degmooyinka hoos yimaada gobollada Selel iyo Awdal ayaa tibaaxay in shixnado bacmiikooyin ah oo laga soo dejiyay dekedda magaalo madaxda Jabuuti sifo kootarabaan ah looga soo tallaabiyey xuduudka uu dalkaasi la wadaago Somaliland, kuwaas oo xadigoodu dhan yahay Lix Koontaynar oo u badan bacaha ka ganacsigooda iyo isticmaalkoodaba dalka laga mamnuucay ee madaxweynuhu digreetada ku soo saaray.

Shixnadahan oo la wariyey in ay shuraako ku yihiin ganacsato reer Somaliland ah iyo kuwo ajanabi ahiba ayaa warku sheegay in ay qayb ka yihiin silsilad ganacsi oo si kootarabaan ah muddooyinkii u dembeeyeyba dibada uga soo waaridayay ka ganacsiga bacahan, iyaga oo si dadban gacan saar uga helaya masuuliyiinta laamaha dawladda ee ku shaqada leh la socodka iyo dabagalka arrimahan.
Side ayay ku soo galeen dalka, Maxaase Sabab u ah mooganaantooda

Shixnadahan oo laga soo dejiyey Jabuuti ayaa Sida wararku tibaaxeen dalka lagu soo geliyey qaab u dhigan in aan Somaliland lagu isticmaalay balse loo wado dhinaca wadanka Itoobiya isla markaana ay Transit kumarayaan Wajaale, sidaasina lagu siiyo rusqada ogolaanshaha iyo cashuurista badeecadooda iyada oo ay laamaha wasaaradda maalliyada iyo socdaalku ay korka kala socdaan inta la gaadhsiinayo magaalo xuduudeedka Wajaale, iyadoo waliba xilliyada ay baabuurta sidaa dalka marayaan ay tahay xilli habeenimo ah. Warku waxaa uu intaa ku darayaa in Marka Magaalada Wajaale la gaadho laga rogo baabuurta sida bacmiikooyinka, isla markaana dib loogu soo celiyo magaallada Hargeysa sidaasina suuqa loo geliyo.

Wariyeyaal HUBAAL ka tirsan oo qaddiyadan daba gal ku sameeyey ayaa sheegay in Laba Baabuur Oo Nooca Loo yaqaanno NINETEEN-ka oo ceelalyo u ah Lixda Kontaynar ee Shixnaddan ahi ay si toos ah uga soo gudbeen xuduudka Somaliland la leedahay Jabuuti isla markaan ay soo dhaafeen Kastamka Magaallada Saylac, iyaga oo maamulka xafiiskaasi gacan saar ka helayana ay saaka waaberigii soo gaadheen deegaanka Garbo-dadar halkaas oo Ilaa xilligan aanu warka helnay lagu nasinayo inta laga gaadhayo aminta u qorsheysan in laga soo dhaqaajiyo oo ah marka shaacu madoobaado, xilligaas oo baabuurtani ay iyaga oo shaqlan u soo shiraaqanayaan dhinaca Wajaale. Warku waxaa uu intaa ku darayaa in baabuurtani ay kaantaroollada ku dhaafayaan warqad ogolaanshiyo ah oo bixinteeda laga soo siiyey kastamka Saylac, warqadaas oo ay ku xardhan tahay in ay taraaansit ku yihiin Somaliland oo ay u socdaan dhinaca Itoobiya.

Xidhiidho aanu isku daynay inaanu la samayno maamullada maalliyada ee heer degmo iyo mid gobol ee gobolllada galbeedka ayaanay noosuurto gelin, hase yeeshee shixnadahan ayaa noqonaya kuwo ka hor imanaya amarkii madaxweynaha ee lagu mamnuucay bacahan, wixii warar ka soo kordhana dib ayaanu idinka soo sheegi doona