Siciid Cilmi Rooble Miyuu Danaha Gobolka Saaxil Uga Lex Jecelo Badan Yahay Wasiirka Khaarajiga?

0
398

Siciid Cilmi Rooble Miyuu Danaha Gobolka Saaxil Uga Lex Jecelo Badan Yahay Wasiirka Khaarajiga?

Heshiiska lagu balaadhinayo marsadda Berbera isla markaana lagu xaqiijinayo hirgelinta jidka isku xidha Berbera iyo Itoobiya ee loo yaqaanno (Berbera cooridoor) ee toddobaadkan ay wada galeen xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkadda horumarinta dekadaha u qaabilsan Imaaraadka ee Dubia World, waxa uu noqday fursadii u weynayd ee maalgashi ee dalka loo helay labaatankii sannadood ee Somaliland madax-banaanideeda kala soo noqotay wixii la isku odhan jiray Soomaaliya.

Heshiiskan oo ah mid hordhac ah waxa la horgeynayaa Golaha Wakiiladda si looga ansixiyo. Hase yeeshee waxa wax lala yaabo ah Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudaneyaasha mudada dheer aqalkaasi ka tirsanaa lagana soo doorto gobolka Saaxil, ayaa si hubsiimo la’aan ah oo ay ka muuqato laylinimo siyasadeed waxa uu uga hadlay heshiiskan taariikhiga ah oo uu ku tilmaamay mid kootarabaan ah.

Waxay ahayd in Xildhibaanku taageero mashruucan horumarineed ee weyn oo ah mid fursado shaqo abuuraya isla markaana horseedaya in dekadda Berbera noqoto mid la tartanta dekadaha mandaqadda ku yaalla. Xildhibaanka oo Salaasadii shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa waxa uu sheegay in heshiiskani yahay mid lagu iibiyay dekadda taasi oo ah mid been abuur ah oo aan xaqiiqada ka fog.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble marka heshiiskan la keeno Golaha Wakiiladda waxa uu doono ha yeelo, laakiin waxay ahayd inuu sugo inta heshiiskani soo gaadhayo miiska golaha wakiiladda.

Waxa uu ribeeyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku masaalay inay isu bedashay dawladii dilaaliinta. Hadalkaasi oo ah mid deelqaaf ah oo wax u dhimaya karaamadda iyo xasaanadda uu xambaarsan yahay. Waxase hubaal ah in Siciid Cilmi Rooble uu doonayo inuu kala daadiyo qorshe kasta oo lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha dalka isagoo u soo xidhanaya shaadh xildhibaanimo iyo mid mucaaridnimo iyo arragti ku binaysay malo awaal aan loo meel dayin.

Waxa is weydiin mudan Siciid Cilmi Rooble, miyuu danaha Somaliland iyo masaalixda gobolka Saaxil uga lexjeclo badan yahay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo isagoo matalaya dawladda gacantiisa ku saxeexay heshiiskan kana soo jeeda gobolka Saaxil. Jawaabtu waa maya bal aan eegno sida Wasiirku uga hadlay heshiiskan.“Waxaanu heshiis hor-dhac ah la soo galnay shirkada u qaabilsan dalka Imaaraadka Carabta maamulka dekadaha Dubai World (DW), sidii ay innooga caawin lahaayeen balaadhinta iyo dhismaha dekadda Berebera, waxaanu la galnay heshiis tilmaamaya sidii laysaga kaashan lahaa dhinacyo badan waana la wada maamulayaa dekadda shirkaduna waxa ay leedahay guddi waana aynu wada maamulaynaa dekadda Berbera,”ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shirre.

Wasiirka Khaarajigu waxa uu kala qeexay sida hawlaha maamulka marsadda ay u kala yeelanayaan xukuumadda iyo maamuleyaal ka socda shirkaddani, waxaanu yidhi “Dekaddu hawlaha ay wada qabato shirkadu maamuli mayso ee wixii ku saabsan maraakiibta ayay maamulaysaa. in goleyaasha laga ansixiyo heshiiskan waanu qabnaa khaasatan marka ay tahay heshiis weyn oo sidan oo kala ah, golaha Wasiirrada iyo Golaha baarlamaanka waa heshiis la gayn doono oo laga ansixin doono, waxaanan rejaynaynaa in mashruucani uu inoo abuuro shaqo badan, oo dhismaha dekeda shaqo ayaa ka abuurmaysa oo adeegyo cusub oo badan ayaa ka abuurmaya oo shaqaale u baahnaanaya.”

“Mashaariicda noocan oo kale ahi way badan yihiin caalamka sannadaha la isa siiyo inta badan ogolaaanshaha waa isku mid waa min soddon sanno ilaa konton sanno, shirkadihii tan ka horeeyay ee inoo yimidna iyaga laftigoodu muddada ay qabsadeen waxay ahayd soddon sanno illaa konton sanno tan heshiiska la galnayna waa soddon sanno.dekedana laba jeer ayaa la dhisi doonaa oo la kordhin doonaa,”ayuu yidhi Wasiirku.
Maxamed Ismaaciil Muxumed
Hargeysa/Somaliland