“Sidani Dawladnimo Maahee Waa Budhcadnimo; Maanta Ninka Dagaalka Ka Dhex Bilaabay Golaha Wakiiladda Ee Cirro Ku Qaad Qaaday Waa Baashe, Hadduu Sidan..”. Jamaal Cali Xuseen

0
396

“Sidani Dawladnimo Maahee Waa Budhcadnimo; Maanta Ninka Dagaalka Ka Dhex Bilaabay Golaha Wakiiladda Ee Cirro Ku Qaad Qaaday Waa Baashe, Hadduu Sidan..”. Jamaal Cali Xuseen

Hargaysa: (Warsugannews)-Musharaxa Jagadda Madaxtinimadda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, MD. Jamaal Cali Xuseen,ayaa ka hadlay dhacdadii Saaka ka dhacday Gollaha Wakiiladda,taas oo Muran ka dhashay Mooshin ay soo diyaariyeen Xildhibaanadda Muxaafadka ah ee Xisbiga KULMIYE sababtay in Dagaal gacan ka hadal ahi dhex-maro Gudoomiyaha Gollahaas iyo ku-Xigeenkiisa.
MD. Jamaal oo qoraal kooban oo uu ku baahiyay Bartiisa Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ga,waxa uu u dhigna sida tan:

“Sidani Dawladnimo maahee waa Budhcadnimo; maanta Ninka Dagaalka ka dhex bilaabay Golaha Wakiiladda Ee Cirro ku Qaad qaaday waa Baashe, hadduu sidan xukuumadda Kulmiye ee Siilaanyo Iyo inta ku xeeran Ee boobka wadda ay sidan dhaami waydo shacabkaa madaxtooyadda Ugu soo daadan Ee taasi maskaxda ha galiyaan. Weligeen wax Kulmiye ka liita oo ka boob Badan Maan arag, Waar Imika ma Kulmiyihii xunbeyn jiray Ee UDUB ku haystay wax baad iibiseen ayaa loo taag laayahay. Haddii maanta ay Tani ka dhacayso Golahii wakiiladda, Siilaanyo Iyo inta ku xeerani ha ogaadaan inaan laydinka ogolaan doonin in sidaa doontaan ay socoto; hadda Siyaad Barre Iyo Qadaafiba waxa galaaftay madax adaygoodii iyo kibirkooddii”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here