Sidee Dib Loogu Habayn Karaa Habka Adeeg-bixinta iyo Qaab-dhismeedka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta?

0
273

Dhawaanahan waxa isa soo taraya eedaha iyo dhaliilaha ay sida joogtada ah
loogu jeediyo Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL.
Dhaliilahaas oo kuwa ugu badani ka imanayaan Xisbiyadda Mucaaridka ah,
Ururka Saxaafadda SOLJA , aqoonyahanadda madaxabanaan iyo haya’adaha
Caalamiga ah ee daneeya arrimaha Saxaafadda. Inta badan dhalliilaha
Wasaaradda loo jeedinayaa waxa ay ku tacaluqaan shaqada iyo addeega ay
Qaranka u hayso ee la xidhiidha Warbaahinta Dawladda iyo sida loo maamulo.

Bal aynu sawir ka bixino sooyaalka iyo muuqaalka Wasaaradda Warfaafinta,
Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL. Wasaaraddu waa mid ka mid ah
wasaaradaha ugu da’da weyn Wasaaradaha Jamhuuriyadda Somaliland taas
oo dhismaheeda Xukuumadda Dhexe lagu soo kordhiyey sannadkii 1991.
Tiradda Guud ee Shaqaalaha haatan ku qoran Wasaaraddu waxa lagu
qiyaasay in ay u dhaw yihiin 700 shaqaale, oo ka kala tirsan 12 waaxood oo ay
Wasaaradda ka kooban tahay ( oo ay ku jiraan Telefishanka Qaranka, Radio
Hargeisa, Wargeyska DAWAN iyo Wakaaladda Wararka ee SOLNA).
Shaxda Miisaaniyadda Wasaaradaha iyo Haayadaha 2020 waxa ay
tilmaamaysaa in ay sannadkan Wasaaradda ku baxday miisaaniyad dhan
45,376,093,468/= (una dhiganta 5.3 US Dollars). Taas oo ka dhigaysa in ay ka
miisaaniyad badan tahay wadar ahaan Wasaaradda qaabilsan wax-soo-saarka
(sida Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo
Horumarinta Kalumaysiga).
Su’aasha is-weydiinta mudan waxa ay tahay waa maxay dhibaatadda
haysata Wasaaradda ee ay la tahli kari la’adahay in ay bixiso addeeg
hufan, maadama ay ku baxdo miisaaniyadda culayskaasi lehi?
Degnaan la’aanta hoggaamineed ee Wasaaradda ka muuqata intii uu talada
qabtay Madaxweyne Biixi ayaa ah dhalliisha ugu weyn ee shaqadda
Wasaaradda ragaadisay. Muddadii saddexda sanno ahayd ee Xukuumadda
Madaxweyne Muuse Biixi talada haysay, Wasaaraddu waxa ay yeelatay 3
Wasiir, 2 Wasiir-ku-xigeen iyo 4 agaasime-guud. Nasiib darada haysata
Wasaaraddu waa iyada oo Agaasimaha Guud ( oo ah qofka darajo-ahaan ugu
sarreeya shaqaalaha wasaaradda, isla markaana ay ahayd in uu ahaado qof
farsamo oo maamulka ku raagga uu yahay qofka isbedelka ugu badan lagu
sameeyey muddadaasi

Muddadaas saddexda sanno ah ee ay Xukuumaddu taladda haysay, waxa aad
u xumaaday xidhiidhka Xukuumadda ay la leedahay Warbaahinta Madaxabannaan. Sida lagu xusay Warbixin Sannadeedka Xarunta Xuquuqul-Iinsanka
Somaliland ee 2019, dad ay tiradoodu gaadhayso 88 qof ayaa loo xidhay
arrimo la xidhiidha xoriyadda rayi-dhiibashadda. SOLJA ayaa sidoo kale
Warbixinteedii Sannadka 2019 ku sheegtay in la xidhay 31 suxufi iyo 5
Haya’adaha Warbaahinta ah oo badankooda aan loo marin sifihii sharcigu
jideeyey. Xidhitaanada loo geysanayo saxaafadda ayaa ah mid lagu
cabudhinayo Warbaahintu oo dhaawac ku ah Dimuqraadiyadda lagu majeeran
jiray Somaliland. Taas oo dhaawaca ku sii kordhinaysa doorashooyinkii muddo
dhaafka ah ee aan ilaa iminka aan qabsoomin, asxaabta ay dhexdeeda si xor
ah aan loogu tartami karin iyo haweenka oo ku haystan matalaad iyo cod u
qalma laamaha dawladda ee go’aanka lagu gaadho.
Arrimaha ugu yaabka badan ee jira waxa weeyaan in Idaacaddii Qaranka ee la
soo iibiyey xilligii Xukuumadda Siilaanyo ay cilladi gashay muddo xileedka
Xukuumadda Muuse Biixi oo ilaa iminka aanay habayaratee wax shaqo ah
aanay qaban marka laga reebo idaacadda FMta ah ee gaadhsiisan
magaaladda Hargeysa. Waxa intaas dheer in Telefishankii Gudaha laga
daawan jiray (Local TV) uu mar labaad gubtay oo aanu iminka wax shaqo ah
qaban. Ceebta weyn ee jirtaana waxa weeyaan in tayada barnaamijyadda iyo
wararka laga baahiyo Idaacadda iyo Telefishanka Qaranku ay yihiin kuwa ka
hooseeya halkii laga filanayey, ama ay ahayd in ay gaadho. Hadaba,
isweydiintu waxa ay tahay halkee lagu bixiyaa miisaaniyadda tirada badan ee
loogu talogalay TVga iyo Idaacadda Qaranku?
Dhanka kale, Dhaqanka oo ah shaqada kale ee ay Wasaaraddu ugu xilsaaran
tahay Qaranka ayaa ah gebi ahaanba mid gaabis ah. Ma jiro tiyaatar qaranku
leeyahay oo fanaaniinta iyo ruwaayadaha wacyigelinta ah lagu soo bandhigo,
mana muuqato qorshe dheer oo dib loogu yagleelayo ama lagu dhisayo
tiyaatar qaran ama dib loogu soo ceshanayo tiyaatarkii Xukuumadaha hore
bixiyeen. Shaqada Dhaqan ee Wasaaraddu hayso ayaa ah mid ku soo
koobantay in ay baahiso heeso iyo riwaayado googoos ah oo aan waxba ka

tarayn baahida weyn ee muwaadiniintu u qabaan in la horumariyo hiddaha iyo
dhaqanka dalka.
Dhaliisha kale ee jirta ayaa ah in Wasaaraddu aanay muddo dheer lahayn
Siyaasad Guud oo laga warqabo oo lagu maamulo Warbaahinta
madaxabannaan iyo kuwa dawladda toona. Masuuliyiinta la soo magacaabo
ayaa Wasaaradda ku maamula aragtiyahooda gaar ah oo ah kuwo iswada
burinaya, isna khilaafsan. Taas oo aad ka dareemayso duruufaha ay la
nooshahahay saxaafadda madaxabannaan oo ku xidhan dareenka ama habka
hoggaamiineed ee kolba Wasiirka tallada loo dhiibo. Xeerka Saxaafadda ee
dib-u-habaynta lagu sameeyey ayaa ah mid la dhamaystiray horraantii
xukuumadda Madaxweyne Biixi, taas oo aan ilaa haatan loo gudbin Golaha
Wasiiradda.
Dhaliilaha loo jeedinayo Wasaaradda ayaa ah kuwa dhab ah oo aanay ilaa
iminka muuqan ifafaalihii dhaliilahaasi lagu sixi lahaa, iskaba daa in horumar
lagu talaabsadee.
Wargeyska Geeska Afrika, waxa uu soo jeedinayaa in dib u habayn lagu
sameeyo Wasaaradda si ay u hufnaato addeega ay Qaranka ugu xilsaaran
tahay loona madhxiyo dhaqaalaha cashuur bixiyayaasha ee aan raad togan
iyo natiijo la mahadiyo toona lahayn.
Tallooyin
Talada aan soo jeedinaynaa waa in Wasaaradda Warfaafintu waxa ay u
baahan tahay in loo baddalo wakaalad ( ama shirkad) si maamulka iyo
habka adeeg-bixinta wasaaraddu isku waafaqaan, isla markaana loo helo
nidaam si fudud uga jawaabi kara baahiyaha Waraabineed ee dalka ka jira.
In dhamaan Warbaahinta Dawladda ( Telefishanka Qaranka, Radio
Hargeisa, Wargeyska Dawladda iyo SOLNA) la mideeyo, lana hoos geeyo
Shirkad gaar ah oo maamusha Warbaahintan si ay ula tartami karaan
warbaahinta dhiggood ah, lana xaddido tiradda shaqaalaha ah ee ka
hawlgalaya.
In Wakaalad gaar ah oo qaabilsan dejinta qorshaysaasha, habraacyadda,
shuruucda iyo siyaasaddaha saxaafadda iyo wacyigelinta iyo arrimaha la
xidhiidha ruqsad-bixinta iyo dib u cusboonaysiinta ruqsadaha, iyo
diiwaangelinta xogaha aasaasiga ah ee Warbaahinta Dalka ka hawlgasha la
yagleelo.
In Wacyigelinta laga dhigo shaqo dhextaal ah oo Wasaaraddaha iyo
hayaadaha madaxabannaan fushan karaan, balse ay waafaqaaan
habraacyadda iyo siyaasaddaha Wakaalada.
In Qaybta Dhaqanka iyo Dalxiiska la mideeyo, lana hoos geeyo Wakaalad u
gaar ah una xilsaaran kobcinta Dhaqanka iyo ilaalinta iyo horumarinta
aasaarta qadiimka ah ee Qaranka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here