Sidii Uu Ku Baxay Magaca (Qabyo-tire) Ee Gudoomiyaha G/Togdheer Iyo Madashii Loogu Wanqalay Q.10aad

0
400

Sidii Uu Ku Baxay Magaca (Qabyo-tire) Ee Gudoomiyaha G/Togdheer Iyo Madashii Loogu Wanqalay Q.10aad

Q.10aad Ee Buuga Maxamed Ibrahim (Qabyo-tire) Hogaamiyihii Midnimadda iyo Horumarka Togdheer W/Q: Mr.Hamse Bashe (Wiyeer Yare)
Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan, ayaa loogu wanqalay magaca (Qabyo-tire) ka dib markii Shacabka Burco iyo qaar kamid ah Xildhibaanadda Golaha Degaanka Degmadda Burco Oo isku duubani U hibayeen Gudoomiyaha Magacan.
Sidii Uu Ku baxay Magaca Qabyo-tire:

Magacani cusub ee lagu Magacdaray Badhasaabka oo ah (Qabyo Tire) Ayaa Bulshada Burco Iyo Masuulyintooda Oo Isku duuban ugu Magacdareen Ka Dib Markii tan Intii lasoo Magacabay Badhasabka Gobolka Togdheer uu ka fuliyay Waxqabad lagu Majeerto Iyo Hogaanimada Wanagsan ee Bulshada Togdheer Ka dhaxashay mudadii gaabnayad ee Uu Joogay Badhasabku.

Badhasabka Gobolka Togdheer Oo Hore U Ahaan Jiray Lataliyaha Arimaha Doorashooyinka Ee Madaxwaynaha Somaliland Ayaa Waxa Lasoo Magacaabay Gobolka Togdheer U Hogaamiyo Waxana Shacabka Burco Si Kal Iyo Laaba Ku Soo Dhawayeen Badhasabka Gobolka Togdheer Iyaga Oo Kasoo Galbiyay Degaano Ka Tirsan Gobolka Saaxil Wana Badhasaabki Ugu Soo Dhawaynta Wanagsanaa ee Soo Mara Gobolka Waxana Dulsocotay Munasibado Soo Dhawayn Oo Kale Duwan,Waxana uu Balanqaday Inuu Dhisi Doono Goobti Lagaga Dhawaaqay Gooni Isku Daga Somaliland Mudada uu Joogana Uu Waxqabad Wanagsan Ka Fulin Doono Gobolka.

Maxmed Ibraahim Aadan Qabyo-tire ayaa Gobolka Togdheer Ku Soo Celiyay Hab Nidaameedka Dawladeed Iyo Kale Danbayanayd Ee Lagu Yaqaan Masuul Firfricoon Waxana Uu Noqday Jawharad ay heshay Shacabka Burco Mudadii U Talada Hayay Madaxwaynaha Somaliland Axmed Silaanyo, Waana Masuul Ku Suntan Ka Dhabaynta Balanqaadka Waxqabad, U Gargaarida Dadka Jilicsan Iyo Dhirigalinta Dhalinayarada Gobolka Togdheer.
Badhasabka Gobolka Togdheer ayaa Magacani Cusub loogu Magacdaray Markii Uu Ku Talaabsaday hab Cusub oo aan hore loogu dabaaldegin Xuska Sanadguurada 25aad ee Kasoo Wareegtay gooni Iskutaaga Somaliland,Wana Badhasaabkii Kowaad Ee Ku Soo Kordhiya Gobolka Togheer nidaam cusub oo lagu Dabaaldago 18 May Wana Markii Ugu Horaysay Ee Tan Iyo Intii Xukumada Somaliland Jirtay u Shacabka Gobolka Togdheer u Kale soo qayb galo Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland, Isla Markaana mar Labaad Calanka Somaliland Laga Saaro Gobolka Togdheer Waxana Ku Suntan Badhasabka Gobolka Togdheer.

Qaar Ka Mida Xildhibanada Golaha Deegaanka Degmada Burco Oo Shacabka Togdheer Wakiil Ka Ahaa Ayaa Goobti lagaga Dhawaaqay Gooni Isku Taaga Somaliland Oo Uu Dhagaxdhigayeen Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Badhasabka Gobolka Togdheer Ku Shaaciyay Inay Magac Cusub Bulshada Togdheer Ugu Wanqashay Badhasabka Togdheer Ee Qabyotire Uguna Magac Daray Waxqabadka Uu Ka Hirgaliyay Mudadii U Joogay.
La soco Q11aad ee Buuga “Maxamed Ibraahim Qabyo-tire, Hogaamiyii Horumarka iyo Midnimada Gobolka Togdheer” W/q: Hamse Wiyeer