Siilanayo: Madaxweyne Damiir iyo Dadnimo Leh: W/Q Mustafe Cabdi‏

0
372

Mahad oodhan Rabbi ayaa iska leh, waxaan saaka halkan uga mahad celinayaa Allaha weyn ee inoo saamaxay in aynu mar kale nabad qab iyo caafimaad ku soo kacno, inta kale ee xanuun hayo waxaan leeyahay ilaahay caafimaad ha siiyo, inta muraad lehna Alle ha u sakhiro.

Qof kasta oo ilaahay garadsiiyey wanaaga waxaan leeyahay ilaahay fahamkaa hakuu siyaadiyo. Intaas kadib madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo waxaan ku bogaadinayaa doorka qiimaha iyo qaayaha leh ee uu ku qaadatay in fadhiga looga kaco xaalada abaareed ee dalka ka jirta. Md Madaxweyne guddiga aad u saartay ee aad qaadhaanka inay soo uruuriyaan ugu talo gashay waa mid aad asiibtay, ilaahay hakaa abaal mariyo.

Somaliland hogaamiye dhanka dadnimada iyo isku wadka umada kaaga wanaagsan soo mari maayo, waxaanan u arkaa inay tahay qof ilaahay karti iyo aqoon u siiyey, Garashaduna sad weeye mudane madaxweyne, shacabkaaguna waxay kula barbar taagan yihiin hiil iyo hoo.

Abaaraha ba’an ee ka jira dalka kuwo indhaha laga qarsan karo maaha, waxay gaadheen meel aad u daran, dareenka aad kaga naxday in umadaas loo gurmado madaxweyne waa mid aad asiibtay boqolkiiba boqol, abaalkaaguna ma noqon doono mid la ilaawo, balse wuxuu noqon doonaa mid lagu daydo oo ku dayasho u noqda jiilka dambe iyo inta hunguri ka hayo hogaaminta dalka.

Shacabka Reer Somalilandow waad aragtaan in madaxweyne Siilaanyo ka damqaday, damiirkiisuna siin waayey inuu daawado dadkiisa tabaalaysan, waxaan talo ku soo jeedin lahaa in fadhiga laga kaco oo jeebka gacanta la galiyo, inta aanay taladu faraha ka bixin loo diirnaxo dadkeena dhibaataysan ee miyiga iyo tuulooyinka jooga.

W/Q: Mustafe Cabdi

Cmustafe99@gmail.com