Silaanyo Wuu Joogi Doona Qore Khadar Ibrahim

0
729
????????????????????????????????????

Waxaan la yaaba dadka yidhaahda eriyada madaxweyne naso amba wuu is casilayaa! Runtii waa kuwa xukun jecek ahyo oo raba in ay maanta noqdaan qasaab madaxweyne iyadoo talaabadaasu ay lewedahay shuruuc iyo cod.Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo waa nin geesi ah oo dadkiisa iyo dalkiisa u huray naftiisa isaga iyo rag kale oo badan, waa nin waaya aragnimo dheer u leh hogaaminta dalka, isaga oo dhowr xilal ka soo qabtay oo waxqabadna ka tagay dawladihii hore tii soomaaliyaa iyo Somaliland, madaxweyne silaanyo waa nin ay ku dheer tahay Somalilandnimadu kana hor yimaada cadowga somaliland, silaanyo waa geesi cadowgu ka baqo oo aan dhici Karin, waa nin umaddiisa horumarkeeda jecel xukuumaddisuna waa ta ugu tayada ficaanayd ee abid soo marta somaliland.

Isku soo wada duuboo madaxweyne silaanyo wuxu hantay taageerada shicibka Somaliland, waxaanu ka mid yahay sababta shicibka Somaliland u siiyeen taageeradooda xisbiga bahweynta Kulmiye, shicibkaas oo inta badan kala degan dhamaan Somaliland, waana asbabaha uu xisbiga kulmiye ku guulaysan doono doorashadda soo socota ee musharaxiidu yahay muuse biixi cabdi .madaxweyne silaanyo waxa ku filan oo kaliya taariikdiisa ay cidna ku gaadhayn dhisida wadada ceerigaabo oo ay kari waayeen ingriiskii,dawaldii rayidka ahayd ,tii kacaanka,kuwii somaliland soo wada maray.

Umadda reer somaliland waxay u hayaan madaxweyne silaanyo ixtiraam iyo qadarin hana la yaabin taageeradda balaadhan ay u mujiiyen bulshoweynta KULMIYE, shakhsiyadda iyo kartida silaanyo waa to ku guusha u soo hoyseya 2010 iyo xisbiga bahweynta kulmiye. silaanyo waa nin daacad ah siyaasada dalka iyo dadkaba waa u tiir dhexaad, madaxweyne silaanyo naa maaha nin la adeegsado sida kuwa kale oo shidaalka dibada ka qaata , waa nin mawqif iyo karti ba leh cidna u joojin.waxaana ku odhanayaa kuwa madaxweyne silaanyo ku leh faadhiiso adeer ma tagaantaan libaaxan mana fadhisanayo waayo waa mas’uul qaran oo xil saaran yahay. Ka Naxo Nafta Waa!!.

Saadaashu waa khayr !!

Qore Khadar Ibrahim

Khadar338@hotmail.com

0634829292